4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 8 , 2024
Mudo dheer kadib Meydka Luul Cabdicasiis oo Maanta la aasayo
 

Jimco, Maarso, 8, 2024 (HOL) - Waxaa Maanta oo Jimco ah lagu wada in la aaso meydka Allah u naxariistee Luul Cabdicasiis oo bishii Janaayo ee sanadkan 2023 ninkeedii ku gubay Muqdisho, sida ay xaqiijisay Maxkamadda gobolka Banaadir.

Meydka marxuumadda ayaa goordhaw laga soo saaray qaboojiyahii ay ku jirtay oo yaala Isbitaalka Digfeer oo ay ku jirtay mudo ka badan hal bil.

Aasitaanka Luul ayaa waxaa maalin ka hor shaaciyay aabaha dhalay marxuumadda Cabdicasiis Maxamed, kadib markii Maxkamadda gobolka Banaadir ay xukun dil toogasho ah ku riday ninkii gubay Sayid cali Macalin Daa'uud.

Saacadaha soo socda ayaa la filaya in meydka marxuumadda lagu aaso deegaanka Jasiira ee duuleedka magaalada Muqdisho, waxaana socda qabanqaabadii ugu dambeysay ee lagu aasayo marxuumadda.

Dadweyne fara badan oo isugu jira ehelka qoyska marxuumadda iyo qaar la dareen ah ayaa ka qayb galaya aaska maanta mudo bil kadib ah loo sameynayo Luul Cabdicasiis oo ifka kaga tagtay 6 caruur ah oo horay uu u dhintay Aabahood, kuwaas oo hadana noqday rajo.