4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 8 , 2024
Hindiya oo dib u furaneysa Safaaraddii ay ku laheyd Soomaaliya
 

Jimco, Maarso, 8, 2024 (HOL) - Dowladda Hindiya ayaa wada qorshe ay ku dooneyso iney Magaalada Muqdisho uga furato Safaarad ka shaqeysa xoojinta iyo iskaashiga kala dhaxeeya dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Qorshaha Hindiya ay dib ugu furaneyso safaaradeedii ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo muddooyinkii dambe uu kor u soo kacayay xiriirka labada dal ka dhaxeeya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya Axmed Cali Daahir ayaa warbaahinta u sheegay in wafdi ka socda Hindiya ay Muqdisho u yimaadeen qiimayn dhinacyada amniga iyo qorshaha dib u furashada safaaraddii ay ku lahayeen Soomaaliya.

“Wafdiga ka socda Hindiya waxay qiimayn ku samaynayeen sidii ay dib ugu furan lahaayeen Safaaraddii Hindiya ee Muqdisho ku laheyd iyaga oo qiimayay dhinaca Amniga, labada dal waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jirayn ah, labada Dal Badda kaliya baa u dhaxeeya ee ma jiro wax dal ah oo u dhaxeeya, wafdiga ayaa sidoo kale xoogga saaray xoojinta cilaaqaadka labada dal sida dhinaca Ganacsiga, Caafimaadka, Waxbarashada iyo dowladnimada” ayuu yiri Axmed Cali Daahir Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya.

Si kastaba ha ahaatee waxaa isa soo taraya dalalka doonaya iney dib u furtaan safaaradihii ay ku lahaayeen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana xusid mudan in furashada Safaarada Hindiya ee Muqdisho ay wax weyn ka badali doonto helitaanka dal ku galka Hindiya oo ahaa mid ay dadka Soomaaliyeed u doonan jireyn dalka Kenya iyo Itoobiya.