4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 8 , 2024
Qaramada Midoobay oo Madaxda Soomaalida ugu baaqday dhameystirka qoondada haweenka ee ah boqolkiiba 30
 

Jimco, Maarso, 8, 2024 (HOL) - Iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ayaa Qaramada Modoobay waxay soo saartay baaq ku socda masuuliyiinta Soomaaliyeed oo ku aadan iney  xaqiijinta ka mid noqoshada haweenka Soomaaliyeed siyaasada oo ay ka dhabeeyaan dhameyatirka qoondada haweenka ee ah boqolkiiba 30 matalaadda haweenku ku leeyihiin Baarlamaanka Fedaraalka.

“Qoondada ugu yar boqolkiiba 30 waxay wax ka taraysaa oo ay gacan ka geysanaysaa kobcinta sinnaanta jinsiga iyo awoodsiinta haweenka ee Soomaaliya. Inkastoo ay jiraan caqabado badan, haweenka Soomaaliyeed waxay sii wadaan inay si mug leh  gacan uga geystaan nabadaynta iyo dib u heshiisiinta, tani waxay ku timid adeeg ay bixiyaan iyagoo ah Xubno Baarlamaan, iyagoo qayb ka ah ururrada bulshada rayidka ah iyo ururrada dhallinyarada, taasina waa marka wax yar laga tilmaamo dadaalladooda" ayaa lagu yiri Warsaxafadeed kasoo baxay Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing.

Warsaxafadeedka kasoo baxay Xafiiska Catriona Laing ayaa sidoo kale lagu sheegay in haweenka ay udub dhexaad u yihiin dhismaha bulshooyin loo dhan yahay.

“Haweenka Soomaaliyeed waxay sii wadaan inay xasuusiyaan saamileeyda siyaasadeed in xaqiijinta xeer Baarlamaan oo lagusoo saaro u-wada dhamaanshaha iyo qoondada 30 boqolkiiba ay tahay codsi la fulin karo marka la tix raaco balan qaadyadii ay horey u sameeyeen hoggaanka Soomaaliyeed" ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Xafiiska Catriona Laing.

Halku dhigga sanadkaan ee xuska maalinta Caalamiga ee Haweenka ayaa ah "Maalgeli Haweenka" waxaana munaasabadda maanta oo kale aduunka oo dhan laga xusaayay tan iyo sanadkii 1875, iyadoo loo dabaal dego guulaha ay haweenku ka gaareen dhanka arrimaha bulshada, dhaqaalaha, dhaqanka, siyaasadda, iyo sidoo kale in la xuso baaqa ku aaddan in wax laga qabto dardar gelinta sinnaanta jinsiga.