4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 8 , 2024
Itoobiya oo ka fikiraysa in ay ka noqoto qorshaha aqoonsiga Somaliland kadib cadaadis caalami ah
 

Jimco, Maarso, 8, 2024 (HOL) - Wargayska Bloomberg ee laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa sheegay in Itoobiya ay qorshaynayso in ay ka laabato qorshaha aqoonsiga Somaliland si loo hagaajiyo xidhiidhka ay la leedahay Soomaaliya.

Warbixin lagu daabacay wargayska ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay rabto in ay heshiiska ka saarto qodobka aqoonsiga Somaliland, oo ku jiray heshiiska ay mudada 50 ka sanno ah Somaliland kaga kiraysanayso saldhig millateri oo badda ah.

Wargayska waxa lagu sheegay in saraakiil diiday in magacooda la sheego ay  sheegeen in Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto, uu Raysal Wasaaraha Itoobiya kula taliyay in uu heshiiska ka saaro qodobka aqoonsiga si loo daba qabto xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya ee sii xumaanaya.

"Saraakiil Itoobiyaan ah ayaa si gaar ah ugu sheegay saraakiil ajinabi ah in laga yaabo in dalka Itoobiya uu raali ka yahay in uu ka tanaasulo qorshaha aqoonsiga Somaliland," ayaa lagu yidhi warbixinta wargayska Bloomberg.

Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa ka cadhaysiiyay dowlada Soomaaliya iyada oo dowlado iyo ururo badan oo caalami ahina ay ku baaqeen in la ilaaliyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Hadaba, dowlada Itoobiya ayaa marar badan sheegtay in ay fulinayso heshiiska, iyada oo Somaliland dhankeeda ay ku mashquulsantahay diyaarinta heshiiska rasmiga ah.