4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 9 , 2024
Ciidanka dowladda oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Baay
 

Sabti, Maarso, 9, 2024 (HOL) - Ciidamadda dowladda Fedaraalka Soomaaliya, gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan ku burburiyay fariisimo kooxda Al-shabaab ku laheyd deegaano ka tirsan gobolka Baay.

Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay Ururka 161-aad guutada 16-aad kumaandooska Danab, kaasoo ka dhacay deegaanada kala ah Beeley iyo Buur haybe oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

"Geesiyaasha kumaandooska Danab XDS ayaa waxa ay burburiyeen fariisamo ay halkaas ku lahayeen khawaariijta Sidokale waxaa la burburiyeey goobahi khawaariijta dadka shacabka ah  kaga qaadi jireen baada ay ugu yeeraan sakaawaadka" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

Saraakiil ka tirsan Ururka 161-aad guutada 16-aad ee kumaandooska Danab ayaa warbaahinta qaranka u sheegay iney sii wadayaan howlgalada noocaan oo kale ah oo ay ku beegsanayaan goobaha ay ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab.