4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 9 , 2024
4 nin oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish ee Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Stockholm
 

Sabti, Maarso, 9, 2024 (HOL) - 4 nin oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa  lagu qabtay magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

War qoraal ah oo ka soo baxay booliiska Sweden, ayaa lagu sheegay in afarta qof looga shakisan yahay in ay u diyaar garoobeen samaynta dembiyo argagixiso.

Lama shaacin xog ku saabsan magacyadooda iyo macluumaad kale oo la xiriira meelaha bartilmaameedka u ahaa weerarada ay abaabulayeen raggaan

Xaalada ammaanka ee dalkaas ayaa sii xumaanaysay bilihii lasoo dhaafay kadib markii dalka Sweden gudihiisa lagu gubay qur’aanka kariimka ah iyo mudaaharaadyo ka dhacay dunida Muslimka.

Dowladda Sweden ayaa bishii Agoosto ee la soo dhaafay sare u qaaday heerka khatarta argagixisanimo oo ay ka dhigtay mid sare.

Taas ayaa ugu wacan khatarta weerarrada ka imaanaysa jilayaasha ku jira kooxaha islaamiyiinta sheegta ee rabshadaha wata, kuwaas oo kordhay sannadkii la soo dhaafay.

Dalka Sweden, Soomaali badan ayaa ku nool, kuwaas oo ay saameeyeen sharciyada amni ee uu dhawaan dalkaas soo rogay.