4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 9 , 2024
Madaxweynaha Somaliland oo dhaqangaliyay xeerarka doorashooyinka Somaliland
 

Sabti, Maarso, 9, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhaqangaliyay wax ka badalka iyo kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha; Xeer Lr. 91/2023 iyo  Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr: 14/2023.

Madaxweynaha ayaa kama danbaystii qalinka ku duugay xeerarkan oo marar badan laysla fahmi waayay, isla markaana caqabad ku noqday qabsoomida doorashooyinka.

Hadaba, xeerarkan ayaa waxa is badal iyo kaabis ku sameeyay Golayaasha Baarlamaanka Somaliland, iyada oo la badalay, ama dib u habayn lagu sameeyay qodobo badan, isla markaana ay labada gole baarlamaanba ansixiyeen.

Inkasta oo xeerarkan ay ku wada qanacsanyihiin saddexda xisbi ee hada jooga iyo ururo badan, hadana waxa jira ururada qaarkood oo diidmo ka muujiyay madaama oo uu xeerkani xaqa ka qaybgalka doorashada madaxtooyada ku koobayo xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo UCID oo kali ah.

Hoggaamiyaha Ururka Horseed Cabdillaahi Iimaan Dirawal, ayaa isagu kadib saxeexa madaxweynaha si adag u diiday, isaga oo sheegay in hadii doorashada sidaa lagu galo, aanu ka qaybgali doonin.

Dhinaca  micaaradka, xisbiga Waddani ayaa ilaa imika soo dhaweeyay, iyada oo uu Guddoomiye Xirsi sheegay in loo jihaystay dhinicii doorashada.