4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 9 , 2024
NISA oo gacanta ku dhigtay guddoomiyhii hore ee degmada Dharkenley oo loo haysto inuu ku tirsanaa Alshabaab
 

Sabti, Maarso, 9, 2024 (HOL) - Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay Guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenlay Abuukar Axmed Caddow Tifoow oo ay sheegtay inuu ka tirsan yahay kooxda Alshabaab.

Hay’adda NISA waxay sheegtay in Abuukar Axmed Caddow Tifoow uu in muddo ah ku dhex dhuumanayay Hay’addaha Dowladda.

Abuukar ayaa intii u dhaxeysay 2015 ilaa 2019 soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Wadajir, sidoo kale 2019 ilaa 2020 waxaa uu Guddoomiye kasoo noqday degmada Dharkeynley.

Hay’adda NISA waxay sheegtay inuu Alshabaab kala shaqeeyay fududaynta falal amni darro oo ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho.

Xogta Hay’adda NISA ay heshay waxa ay sheegaysaa in Abuukar Axmed Caddow uu Alshabaab ku biiray intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2014, waxa ay tababar Sirdoon ku siiyeen magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose isaga oo la sheegay inuu Shabaab ka caawin jiray gudbinta xogta Saraakiisha iyo Xafiisyada dowladda iyo fududaynta dhagaraha Kooxda.

NISA ayaa sida ay tilmaamtay dabagal ku haysay mudddooyinkii u dambeeyay waxaana ugu dambeyn lagu guuleystay in 04-tii March 2024, laga qabto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde isaga oo ka yimid dalka Kenya.