4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 9 , 2024
Diyaarad raashin u sidday ciidanka ATMIS oo shil ku gashay garoonka diyaaradaha Jowhar
 

Sabti, Maarso, 9, 2024 (HOL) - Diyaarad xamuul ah oo raashin iyo koox macallimiin ah u wadday ciidanka ATMIS ayaa maanta oo Sabti ah shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar, ka dib markii ay ka baxday dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan.

Maareeyaha garoonka diyaaradaha Jowhar Mukhtaar Abuukar oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in shaqaalihii iyo tababarayaashii la socday diyaaradda  si nabad ah looga saaray.

Maareeyaha ayaa sheegay in diyaaradda oo ah mid ciidamada ATMIS u keenta adeegga Saadka, ay kasoo kacday dalka Uganda, halkaas oo ay kasoo qaadday koox macallimiin ah iyo raashin loogu galo galay ciidamada ATMIS ee ku sugan degaanada Hirshabeelle.

Wuxuu sheegay diyaaraddu inuu gaaray burbur xooggan. Wuxuu sheegay inay ku dhacday meel howd ah oo garoonka dhinaciisa ah. Wuxuu tilmaamay shilkeedu in uusan wax saamayn ah ku yeelan habsami u socodka garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar.

Lama oga sababta ay diyaaradan u gashay shilka hase ahaatee, maareeyaha garoonka Jowhar ayaa sheegay in loo maleynayo in qaladku ka yimid dhinaca duuliyaha diyaaradda. Inkastoo uu sheegay in la sameynayo baaritaan.

Weli howlgalka ATMIS kama uusan helin dhacdadan.