4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 9 , 2024
Kulan berito Golaha Shacabka ku hor imaan laheyd Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo la baajiyay
 

Sabti, Maarso, 9, 2024 (HOL) - Waxaa la baajiyay kulan maanta markii hore lagu wargeliyay Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya in berito oo Axad Golaha Shacabka ay ku hor imaan laheyd Wasiirka Gaadiid iyo Duulista Hawada Fardowso Maxamed Cigaal.

War qoraal ah oo loo diray Xildhibaanadda ayaa lagu sheegay markii hore in kulanka berito su'alo ku aadan qalalaasahii ka dhacay garoonka lagu weydiinayo Wasiirka Gaadiidka iyo Duuliska Hawada, hayeshee qoraal kale oo hadana loo diray ayaa loogu sheegay in la baajiyay kulankii berito.

Qoraalka laguma sheegin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa inuu baaqdo kulanka markii hore lagu wargeliyay Xildhibaanadda iney berito kasoo qeyb galaan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa baaqashada kulankaan ku tilmaamay in sumcad daro ku tahay Guddoonka iyo Golaha.

"In Golaha Shacabka uu kulan si rasmi ah ugu yeero wasiir Xukuumadda ka tirsan si su’aalo looga waydiiyo dhibkii shacabka ay maalmo ka hor kala kulmeen garoonka diyaaradaha iyo lacagihii dulsaarka ahaa ee lagu soo rogay, haddana la baajiyo sabab la’aan waxay dhaawac ku tahay sumcadda guddoonka iyo Golaha.  Waxaa si cad loo jebiyey Qodobka 69aad ee Dastuurka iyo 59aad ee xeerhoosaadka Golaha shacabka ee la xisaabtanka Xukuumadda. Haddii madaxdii dalka aysan dastuurka iyo sharciga ilaalilaynin, sidee inta kale ugu hoggaansmayaan" ayuu ku yiri Xildhibaanka qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Maalmahii Talaadada iyo Arbacada ee lasoo dhaafay ayay aheyd markii qalalaaso si weyn u saameyay dad shacabka ah uu ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo markii dambe uu soo faragaliyay Raysal wasaaraha Soomaaliya, kadib markii shirkadaha diyaaradaha lagu soo kordhiyay qofkiiba in laga qaado lacag dhan 9 doolar, taasoo cabasho ka keeneen rakaabka iyo shirkadaha diyaaradaha.