Talaado, September, 17, 2024 (HOL) - Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid duulimaadyada maalinlaha ah ee magaalada Baydhabo.
newsinsideQoraal kooban oo kasoo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in si joogto ah ay u soconayaan duulimaadyada, inkastoo aysan sheegin sababta keentay hakadka saacadaha qaatay ee ku yimid duulimaadyada Baydhabo.
Hadalka hay’adda Duulista ayaa yimid kadib markii xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo kasoo jeeda Koonfurta Galbeed ay si kulul uga hadleen xaaladda garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, halkaas oo ay sheegeen in dad badan oo u socday magaalada Baydhabo lagu xayiray muddo saacado ah.
Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dowladdu u hakisay duulimaadyada Baydhabo, si ay duulimaadyada uga reebto xildhibaano ku wajahnaa Baydhabo oo wada abaabul siyaasadeed oo kasoo horjeeda dowladda Federaalka Soomaaliya.