Maamulka Trump oo Beegsanaya Dadka Kasoo Jeeda “Dunida Saddexaad” oo Soomaalidu Safka Hore Kaga Jirto

Isniin, December 1, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa si rasmi ah xayiraad dhinaca socdaalka ah ugu soo rogay dhammaan dadka muhaajiriinta ah ee Maraykanka ka soo gala waddamada “Dunida Saddexaad”, kuwaas oo Soomaalidu safka hore kaga jirto, isaga oo si gaar ah hanjabaad ugu diray Soomaalida ku dhaqan Minnesota iyo gobollada kale.

Amarkan oo soo baxay Khamiistii ayaa si rasmi ah Maraykanka uga mamnuucaya dadka ka imanaya dhammaan waddamada uu ugu yeedhay “Dunida Saddexaad,” taas oo khuseyn karta boqolaal milyan oo qof oo ku nool dalalka saboolka ah iyo kuwa colaadahu ka jiraan. Trump muu caddeyn dalalka uu sida gaar ah ula jeedo, marka laga yimaado Soomaaliya oo uu carrabka ku dhuftay.

“Waddamada sida Soomaaliya oo kale, ee aan lahayn dowlad, millatari iyo ciidan booliis ah, oo keliya yaqaanna is-dilka, ayaa imanaya waddankeenna kadibna waxay inoo sheegayaan sidii aynu u maamuli lahayn" ayuu Trump kaga jawaabay su'aalo ay warbaahintu ka waydiisay xayiraada cusub isaga oo sheegay in waddamada xayiraadda la saarayo ay tiro ahaan yihiin 19, balse ay ka badan karaan, isla markaana intooda badan ay yihiin waddamada Dunida Saddexaad.

Ku dhawaaqistan ayaa timid kadib markii labo askari oo ka tirsan Ciidamada Amaaanka Qaranka Maraykanka lagu toogtay Washington, DC, midkoodna uu geeriyooday. Eedeysanaha koowaad ayaa la sheegay in uu yahay nin Afgaanistaani ah, isaga oo Trump ku tilmaamay “fal argagixiso.”

Trump wuxuu sheegay inuu doonayo inuu joojiyo dhammaan socdaalka heer federaal oo uu sheegay in lagu soo fasaxay “si khaldan” intii Biden xukunka joogay, isagoo ku nuuxnuuxsaday in cidii aan “hanti u ahayn Maraykanka” ama “aan jecleyn dalka” laga saari doono.

Maamulka Trump ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in dhammaan kaalmooyinka dowladda iyo gunnooyinka la siiyo bulshada qoxootiga ah oo Soomaalidu ugu horayso laga joojin doono dadka aan muwaadiniinta ahayn. Wuxuu intaas ku daray inuu “muwaadin ka xorayn doono” qof kasta oo ajnabi ah oo khatar ku ah amniga ama “aan la jaan qaadi karin dhaqanka reer Galbeedka.”

Kahor tallaabadan cusub, Trump wuxuu bil ka hor joojiyay soo galootiga qaxootiga, isagoo sheegay in dalku aanu awoodin inuu qaado tiro badan “si ammaan ah oo dhaqaalaha aan dhaawaceyn.” Waxa kale oo uu dejiyay xadka dadka qaxootiga ah ee sannadka 2026 loo ogolaan doono in ay Maraykanka soo galaan isaga oo ka dhigay heerkii ugu hooseeyay taariikhda oo ah 7,500 oo qof oo keliya.

Bishii Juun, Trump wuxuu soo rogay mamnuucis buuxda oo socdaal oo saameysay 12 dal iyo xayiraad qayb ah oo la saaray 7 dal oo kale, kuwaas oo ay ku jiraan Soomaaliya, Yemen, Iran, Libya, Haiti, Myanmar, Sudan iyo Afgaanistaan. Dhammaan dadka dalalkan ka imanaya ayuu  tilmaamay in ay horseedi karaan “khatar amni.”

Haddaba, xayiraada cusub ayaa jahawareer abuurtay, iyadoo aan sharcigu qeexin micnaha xayiraad noocaas ah. Khubaro sharci ayaa sheegtay in tallaabadu noqon karto mid lagu cabsi gelinayo bulshooyinka muhaajiriinta, inkasta oo ay suuragal tahay in maxkamaduhu hor istaagaan.

Khubarada socdaalka ee caalamiga ah ayaa sheegaya in erayga “Dunida Saddexaad” aanu sharciyan lahayn miisaan, balse uu u muuqdo hannaan siyaasadeed oo lagu weerarayo dalalka saboolka ah, halka dalalka tamarta ama muhiimada siyaasadeed leh laga yaabo in laga reebo.

Dadka horey ugu noolaa Maraykanka ee ka soo jeeda dalalkan ayaa sidoo kale laga yaabaa inay la kulmaan cawaaqib xumo, sida dib-u-eegis lagu sameeyo Kaadhkooda Cagaaran, dib u dhac ku yimaadda codsiyadooda, iyo xayiraad la saaro dib-u-soo-galidda Maraykanka haddii ay safar aadaan.

Maamulka Trump wuxuu sheegay inuu dib u eegi doono dhammaan dadka haysta Kaadhka Cagaaran ee ka yimid dalalka ku jira liisaska la mamnuucay. Si kastaba ha ahaatee, khubarada sharcigu waxay xaqiijiyeen inaan dowladdu awood sharci u lahayn inay si toos ah ugala laabato dadka haysta Kaadhka Cagaaran ilaa maxkamad la mariyo.

Dhammaan tallaabooyinkan isku dhafan waxay qayb ka yihiin olole ballaadhan oo Trump ku doonayo inuu ku adkeeyo xayiraadaha socdaalka, waxayna khubaradu ku sheegeen inay si weyn u saamayn karto dalalka sida Soomaaliya oo kale ee ay dadkoodu ku tiirsan yihiin fursadaha socdaalka, qaxootiga, iyo mideynta qoysaska.