NIRA oo markale kordhisay waqtiga si bilaash ah lagu qaadan karo kaarka Aqoonsiga Qaranka

Khamiis, December 4, 2025 (HOL) - Hay'adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta kaarka Qaranka Soomaaliya ee NIRA ayaa markale shaacisay in la kordhisay waqtiga sida bilaashka ah lagu qaadan karo kaarka Aqoonsiga Qaranka. 

Maareeye ku xigeenka guud ee Hay’adda NIRA Cabdiraxmaan Siciid Axmed ayaa  rasmi ah u sheegay in adeegga bixinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka uu wali bilaash ahaan doono ilaa laga 31-ka Janaayo ee sanadka soo socda ee 2026.

"Mudo laba bilood ah ayaa si bilaash ah loogu kordhiyay adeega bixinta kaarka aqoonsiga Qaranka si ay uga faa'ideystaan dadka Soomaaliyeed, fadlan muwaadin ka mid noqo malyanka labaad ee is diiwaan galinta u socodo inta aysan lacag noqon adeega bixinta kaarkaan oo muhiim u ah qof walba oo Soomaali ah" ayuu yiri Maareeye ku xigeenka guud ee hay'adda NIRA Cabdiraxmaan Siciid Axmed.

NIRA ayaa Go’aakan ku sheegtay inuu qeyb ka yahay dadaalka hay’adda ay ugu fududeynayso dadka Soomaaliyeed iney qaataan kaarka aqoonsiga Qaranka.

Maareeye Cabdiraxmaan Siciid ayaa xusay in gudaha magaalada Muqdisho ay ka hirgaliyeen sadax xarumood oo habeen iyo maalin u adeegaya dadka doonaya iney qaataan kaarka aqoonsiga Qaranka. 

Maareeye ku xigeenka guud ee Hay’adda NIRA Cabdiraxmaan Siciid ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney ka faa’iideystaan mudada dheeraadka ah oo aysan sugin maalmaha ugu dambeeya.