
Khamiis, December 25, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa ugu hambalyeeyay madaxweynaha Soomaaliya, shacabka Muqdisho, Guddiga Doorashooyinka, iyo hay’adaha ammaanka doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Baanadir.
Madaxweynaha Galmudug ayaa ku tilmaamay doorashadan inay ahayd guul taariikhi ah oo Qaranka Soomaaliyeed usoo hoyatay. Madaxweyne Qoorqoor wuxuu sidoo kale ku ammaanay Madaxweyne Xasan Sheekh, go’aanka iyo dadaalka lagu xaqiijiyay in doorashadu si nabad ah u qabsoonto.
Dhanka kale, Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa isagana sidoo kale hambalyo u diray Madaxweynaha, Guddiga Doorashooyinka, Maamulka Gobolka Banaadir, iyo guud ahaan shacabka Gobolka Banaadir.
Madaxweyne Cali Guudlaawe wuxuu sheegay in doorashadan ay tahay taariikh cusub oo dowladnimo ah oo ay qoreen shacabka gobolka Banaadir, isla markaana uu si gaar ah ugu mahadceliyay hay’adaha ammaanka dadaalka ay geliyeen intii lagu guda jiray doorashada.
Sidoo kale, madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa si lamid ah madaxwenayaasha kale ee Dowlad Goboleedyada hambalyo u diray Shacabka Gobolka Banaadir, kuwaas oo maanta si nabad ah, hufan isla markaana masuuliyad leh ugu dhiibtay codkooda Doorashada Qof iyo Cod.
Lafta Gareen ayaa ku bogaadiyey shacabka Banaadir biseylkooda siyaasadeed, wacyigooda iyo sida ay uga go’an tahay ka qeybgalka hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, isagoo xusay in doorashadani ay tahay tallaabo taariikhi ah oo horseed u ah dowladnimo ku dhisan rabitaanka shacabka.
Si kastaba ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ayaa maanta martigelisay doorasho qof iyo cod ah oo taariikhi ah, taasoo ah tii ugu horreysay ee noocan ah tan iyo 1969-kii, kaddib 56 sano oo doorashooyin toos ah aysan ka dhicin gobolka Banaadir.
Inkastoo doorashooyinka nuucaan ah horey looga soo qabtay Somaliland iyo Puntland.
Shacabka ku nool degmooyinka gobolka Banaadir ayaa si weyn uga qayb qaatay codbixinta, taasoo ay ku muujinayen rabitaankooda ah in si toos ah ay u doortaan matalaaddooda Golaha Deegaanka.
Doorashadan waxaanan ka qeyb galin madasha mucaaradka, kuwaas oo doorashadan ku tilmaamay mid aan daahfurnayn oo uu madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ku gaarayo ajendihiisa siyaasadeed ee muddo korosiga xukunka.