
Talaado, Luulyo 15, 2025 - Inta la xaqiijiyay ugu yaraan laba qof oo rayid ah ayaa ku dhintay qarax miino oo lala eegtay gaari ay saarnaayeen, waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan.
Qaraxaan miino ayaa ciidamada Kenya lala beegsatay xili ay marayeen wadada u dhaxaysa Ijara iyo Bodhai oo ka tirsan Magaalada Garisa ee waqooyi bari ee dalka Kenya, waxaana masuuliyada weerarka qaraxaan sheegtay kooxda Al-shabaab.
newsinsideLabada qof ee rayidka ah ee qaraxa ku dhintay ayaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Shabeel Bashiir iyo Cabdiqadir Maxamuud Salaad, kuwaas oo la sheegay iney kusii jeedeen deegaanka Bodhai oo ka mid ah deegaanada hoostaga Gaarisa.
Guddoomiyaha deegaanka Bodhai Dubat Maxamed ayaa warbaahinta u sheegay in miinada dhulka lagu aasay ay u muuqato mid lagu beegsaday kolonyooyin amaanka oo si joogto ah uga howlgala wadadaas.
“Waa dhacdo murugo leh waxaan rumeysanahay in weerarku uu ahaa mid lagu bartilmaameedsaday ciidanka ammaanka ee mararka badan ku socda wadadan, Ciidamadeenu waxay baarayaan meelaha laga shakisan yahay waxaana ka codsaneynaa shacabka inay nala shaqeeyaan oo ay soo sheegaan wixii xog ah oo ay hayaan” ayuu yiri gudoomiye Dubat Maxamed.
Ugu dambeyntii qaraxaan miino ee lagu dilay laguna dhaawacay dad rayid ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay sidaan oo kale qarax miino oo khasaare kala duwan geystay lagula eegtay ciidanka Kenya duuleedka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari Kenya.
Qarax khasaare kala duwan geystay oo ka dhacay gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya
More News
- Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Iska hor imaad Degmada Dhahar ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo ciidamo beeleed
- Mudada Is-diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Lagu Kordhiyay
- Kooxda Daacish oo bilaabay Afduub iyo Dhac ka dhan ah xoola dhaqatada Buuraleyda Calmiskad
- Yemen iyo Soomaaliya oo ka shiray xiriirka Xuutiyiinta iyo kooxaha argagixisada ee Geeska Afrika
- Xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland oo ka shiray xaaladda gobolada Sool iyo Sanaag iyo doorashooyinka
- DEG DEG: Golaha Wakiillada Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil
- Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka digay faafitaanka cudurka hepatitis
- Muqdisho: Askari Boolis ah oo loo xiray Tacaddi uu kula kacay Haweeney Soomaaliyeed
- Mareykanka oo canshuur cusub kusoo rogay lacagaha ay soo diraan xawaaladaha ay kamid yihiin kuwa Soomaalida