Sabti, November 1, 2025 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay isaga iyo wafdigiisa.
Madaxweynaha ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar kaga qayb galayo munaasabad lagu furaayo Matxafka Qaran ee Dhaqanka iyo Taariikhda dalka Masar.
newsinside"Madaxweynaha ayaa ka mid ah Hoggaamiyeyaasha dalalka lagu casuumay munaasabaddan, waxa uuna xoogga saaraya xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya shacabka Soomaaliyeed iyo dhiggooda dalka Masar" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Waxa sidoo kale la filaya in madaxweynaha uu halkaas kulamo gaar gaar ah kula yeesho madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah El-Sisi iyo madaxda dalalka kale ee ka qeyb galeysa munaasabadda.
Dowladaha Masar iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir taariikhi ah oo la xiriira dhaqanka, diinta, iyo iskaashiga siyaasadeed ah, waxaana xiriirka labadaan dal uu ahaa sanadahii ugu dambeeyay mid si weyn u sii kordhaayay, waxaana xusid mudan in ciidamo ka socda dowladda Masar oo qeyb ka noqoya howlgalka AUSSOM in dhawaan si rasmi ah u soo gaaraan Soomaaliya, iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay ay Muqdisho soo gaareen Saraakiil Masaari ah oo qiimeynaayay goobaha la dajin doono ciidamada ka socda Masar.