Isniin, November 10, 2025 (HOL) - Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u beeniyay eedeymo lagu sheegay in shaqaalaha maamulka lagu qasbay inay iska diiwaangeliyaan ururro siyaasadeed, isagoo caddeeyay inuusan maamulka wax lug ah ku lahayn arrimahaas.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in maamulka uu ixtiraamayo xorriyadda muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo doorashada madax-bannaan ee qof kasta uu u leeyahay inuu ku biiro urur siyaasadeed ama inuusan ku biirin midna.
newsinside“Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu shacabka Soomaaliyeed iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka u caddeynayaa in uusan wax lug ah ku lahayn eedeymaha ku saabsan in shaqaalaha Gobolka Banaadir lagu qasbayo inay iska diiwaangeliyaan ururro siyaasadeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Maamulka ayaa intaa ku daray inuu door firfircoon ku leeyahay kaliya dhiirrigelinta iyo wacyigelinta dadweynaha ee ku aaddan isdiiwaangelinta codbixiyayaasha, taas oo uu ku tilmaamay waajib qaran oo lagu garab taagan yahay Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
Sidoo kale, maamulka ayaa ugu baaqay cid kasta oo haybteeda la xusay ama eedeymo ka keentay arrintan in ay adeegsato hannaan sharci ah, halkii ay bulshada ugu faafin lahayd warar aan sal lahayn.
Ugu dambayn, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bogaadiyay wadashaqaynta sharciyaysan ee kala dhaxaysa Guddiga Doorashooyinka Qaranka, isagoo ballanqaaday inuu sii wadi doono iskaashiga iyo taageerada uu ku bixinayo hirgelinta doorashooyin xor ah oo hufan.