Talaado, November 11, 2025 (HOL) - Howlgalka EUNAVFOR Operation Atalanta ayaa sheegay in ay si wadajir ah ula socdaan Ciidanka Badda Hindiya koox burcad-badeed ah oo lala xiriirinayo weerarro dhowr ah oo dhacay usbuucii hore. Saraakiishu waxay sheegeen in aysan jirin halis toos ah oo kooxdan ka imaaneysa oo ku wajahan maraakiibta ganacsiga.
Howlgalka Atalanta oo qoraal soo dhigay baraha bulshada (X) ayaa sheegay in kooxda burcad-badeedda ee weerarrada lala xiriiriyo wali ay ku sugan tahay aagga, balse lagu hayo ilaalin iyo dabagal dhow. Maraakiibta ganacsiga ayaa lagu booriyay in ay feejignaanta adkeeyaan isla markaana soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shaki qabo.
newsinsideSidoo kale, shirkadda ammaanka badda ee Ambrey ayaa isla maalintaas warisay in doon la afduubtay oo lagu magacaabo Issamohamadi — taas oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahayd weerarradii burcad-badeedda ee toddobaadkii hore, ay hadda ay ku jirto ilaalin ay wadaan ciidamada badda Hindiya, iyagoo doonaya in ay gaarsiiyaan biyaha Soomaaliya.
Shirkadda Ambrey waxay sheegtay in halista ku wajahan maraakiibta ganacsiga ay aad u hooseyso maaddaama ay ciidamada Hindiya ku sugan yihiin halkaas, balse ay ku talisay in maraakiibtu ka fogaadaan kooxdan.
Tan iyo 2-dii Nofeembar, Operation Atalanta waxay diiwaangelisay dhowr dhacdo oo la xiriira burcad-badeednimo meel u dhow xeebaha Soomaaliya. Dhacdadii ugu halista badnayd waxay ahayd markii la soo weeraray markabka shidaalka MR ee Hellas Aphrodite, oo ay leedahay shirkadda Latsco. Markabkan ayaa dib loo xoreeyay kaddib markii ciidamada badda caalamka iska kaashadeen howlgal lagu badbaadiyay shaqaalihii markabka oo 24 qof ahaa, kuwaas oo hore isugu xidhay qolka amniga (citadel) intii lagu jiray weerarka.
Hay’adda ICC International Maritime Bureau (IMB) ayaa bishii hore sheegtay in aysan jirin wax weerar ah oo burcad-badeednimo laga diiwaangeliyay xeebaha Soomaaliya muddo ku dhow. Si kastaba ha ahaatee, IMB-du waxay ku boorisay maraakiibta in ay weli feejignaadaan, maaddaama 26 shaqaale badeed lagu afduubtay labo doon kaluumeysi.