Sabti, November 15, 2025 (HOL) - Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa wadajirka ah ee afaraad, kaas oo looga hadlay miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026, iyadoo kulanka uu guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, waxana wehliyay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare, Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde).
Kooramka kulanka oo ku furmay 139 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 28 Senator oo Aqalka Sare ah ayaa looga akhriyay mudanayaasha Akhrinta Koowaad ee xeerka qoondada miisaaniyadda 2026, taas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
newsinsideWasiiru ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Cabdiqafaar Xasan Xaange, ayaa mudanayaasha u soo bandhigay warbixinta miisaaniyadda Qaranka ee 2026, taas oo gaaraysa $1.373 bilyan, kuna kordhay 1% miisaaniyaddii sanadkii hore oo ahayd $1.359 bilyan.
Kordhintaasi oo u dhiganta $13,750,793 ayaa lagu sheegay inay qeyb ka tahay taageeridda mashaariicda iyo qorshayaasha muhiimka ah ee sanadka soo socda.
Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa tilmaamay in isbeddelka ku yimid qaabka diyaarinta iyo farsamaynaha miisaaniyadda sanadkan uu fure u yahay abuurista fursado shaqo, mashaariic horumarineed iyo xoojinta adeegyada bulshada, taas oo u baahan taageero dhaqaale oo dheeri ah.
Ugu dambeyn, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa amray guddiyada maaliyadda ee labada Aqal in ay soo diyaariyaan Akhrinta Labaad ee miisaaniyadda, si dood rasmi ah uga furanto kulammada xiga ee Baarlamaanka.