Isniin, November 17, 2025 (HOL) - Xulka qaranka Soomaaliya ayaa caawa oo Isniin ah, saacaddu marka ay tahay 6:30 fiidnimo, kulan saaxiibtinimo oo xiran ku wajahaya xulka Baxrayn, kaasoo ka dhici doona garoonka Qaranka ee Baxrayn.
Kulankan ayaa qayb ka ah diyaar-garowga labada dhinac, gaar ahaan Baxrayn oo isku diyaarinaysa kulanka adag ee isreebreebka Koobka Carabta ee ay Arbacada kula balansan tahay xulka Jamhuuriyadda Jabuuti, kaasoo ka dhici doona magaalada Doha ee dalka Qatar.
newsinsideXulka martida loo yahay ee Baxrayn ayaa kulanka u galaya isagoo leh niyad sare leh, kadib markii ay shalay dhammaysteen tababarkii ugu dambeeyay ee ay ka wadeen xarunta tababarka ee xiriirka kubadda cagta Baxrayn.
Tababaraha Baxrayn, Dragan Talajić, ayaa doonaya inuu qiimeeyo heerka diyaar-garow ee ciyaartoydiisa iyo inuu tijaabiyo hababka farsamo iyo xeeladeed ee uu ku daawanayo kulanka adag ee Jabuuti.
Dhankiisa, xulka Soomaaliya ayaa kulankan u arka fursad muhiim ah oo lagu qiimeeyo horumarka ciyaartoyda, laguna xoojiyo isku-duubnaanta kooxda, maadaama uu qayb ka yahay qorshaha guud ee xulka ee tartamada soo aaddan.
Ciyaarahan saaxiibtinimo ee heerka caalami ayaa u muhiim u ah Soomaaliya maadaama ay kor u qaadaan waayo-aragnimada ciyaartoyda iyo isku-darka nidaamka tababarka.
Xulka Soomaaliya ayaa doonaya inuu ka faa’iidaysto kulankan si uu u muujiyo horumar iyo u diyaargarow mustaqbalka dhow, iyagoo ku jira marxalad dib-u-dhis iyo casriyeyn farsamo oo uu hoggaaminayo waaxda tababarka ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.