Talaado, November 18, 2025 (HOL) - Xukuumadda Somaliland ayaa gabi ahaanba sharci-darro ku tilmaantay korodh ay shirkadaha isgaadhsiintu ku sameeyeen qiimaha internetka 8-dii August, kaasi oo kadib kacdoon ay dadku sameeyeen ay shirkaduhu ku qasbanaadeen inay ka noqdaan.
Guddida ay Xukuumadda Somaliland u saartay xal u helista qiimaha internetka, oo warbaahinta la hadlay, ayaa soo saaray go’aamo lagu hor istaagayo in shirkaduhu ku kacaan qiimo-kordhin ay si wadajir ah uga heshiiyaan, taasi oo khatar ku ah nidaamka suuqa xorta ah ee ku dhisan tartanka.
newsinsideWasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada, Jamaal Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in guddidu ay go’aamisay inaan waxba lagu kordhin qiimaha xidhmooyinka internetka kadib dood dheer oo ay la yeesheen shirkadaha bixiya adeegga internetka. Waxa uu xusay inay isla eeggeen sababaha keenay in qiimaha la kordhiyo, iyo sababaha sharci-darro ka dhigaya in shirkaduhu ku heshiiyaan kordhinta qiimaha adeegga.
Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarrada, Fu’aad Axmed Nuux, oo warbaahinta u akhriyay go’aamada ay soo saareen, ayaa yidhi: “Waxa reeban macaamil kasta oo ganacsi oo bulshada dhibaato u geysanaya, sida in shirkaduhu ku heshiiyaan in qiimaha adeegyada ay bixiyaan ay kordhiyaan si isku mid ah iyo xilli isku mid ah.”
Waxa uu sheegay in Somaliland ay ku dhaqanto nidaamka "suuqa xorta ah," kaasi oo waajibinaya in korodhka iyo hoos-u-dhaca qiimuhu uu ku yimaaddo baahida iyo helitaanka adeegga, isla markaana shirkaduhu ay ku saleeyaan isbeddellada qiimayaasha hab-dhaqanka suuqa xorta ah.
Sidoo kale waxa uu sheegay in la soo diyaarin doono xeerka ilaalinta macaamiisha iyo ka hortagga in qiimaha loo kordhiyo si heshiis ah, isaga oo tilmaamay inay sharci-darro tahay tallaabo kasta oo dhibaato u geysanaysa bulshada.
Shirkadaha isgaadhsiinta ayaa 8-dii August kordhiyay qiimaha adeegga internetka, taasi oo dhalisay kacdoon bulsho oo lagaga soo horjeeday heshiiska ay shirkaduhu ku gaadheen qiimo-kordhinta. Kadib cadaadis bulsho ayay shirkaduhu ka noqdeen korodhintii qiimaha.