Jimco, November 21, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa shaaca ka qaaday iney jiraan shirkado aan ahayn kuwa dowladda Turkiga oo Soomaaliya daneynaya iney shidaal ka baaraan.
Wasiirka Daahir Shire ayaa sheegay inuusan wax shaki ah ku jirin in Soomaaliya laga helay shidaal, islamarkaana haatan ay soo kordhayaan shirkadaha kale ee doonaya in Soomaaliya ka baaraan Shidaal.
newsinsideWuxuu xusay Wasiirka in shirkado laga leeyahay dalka Mareykanka ay haatan si weyn u danaynayaan iney shidaal ka baaraan Soomaaliya.
"Waxaa jira shirkado waa weyn oo doonaya iney dalkeena ka baaraan shidaal, waa bilaa shaki in dalkeenu leeyahay shidaal, dhamaadka sanadkan ayaana ku dhawaaqi doonaa natiijada sahankii shidaal baarista ee dhawaan laga sameeyay Badeena.” ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Soomaaliya Daahir Shire Maxamed.
Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa mar kale si adag uga hadlay xaalufin lagu haayo Macdanta Soomaaliya.
"Waxaa jira shaqsiyaad iyo shirkado si sharci-darro ah xaalufin dhanka macdanta ah uga wada qeybo kamid ah gobollada dalka, Dadka ku howlan arrimahaas tallaabo sharci ah ayaan ka qaadi doonaa.” ayuu yiri Wssiir Daahir Shire Maxamed.
Ugu dambeyntii hadalka Wasiir Daahire Shire ayaa kusoo aadaya, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay si weyn uga war sugayaan natiijada rasmiga ah ee ku qaadan qodista Shidaalka Soomaaliya oo ay haatan ku howlan shirkado Turkish ah.