Madaxweyne Xasan Sheekh: “Culimo gaar ah ayaan ku kabnay ciiddanka xoogga dalka si loo xoojiyo anshaxa iyo wacyiga diimeed”

 

Jimco, November 28, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horraysay shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay ciidanka xoogga dalka ku soo kordhisay culimo gaar ah oo u qaabilsan wacyigelinta anshaxa, diinta iyo ka hortagga dhaqannada aan habboonayn ee soo gala gudaha milatariga.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay casho sharaf madaxtooyada ugu sameeyay culimadii ka qeyb gashay Shirweynihii Saddexaad ee Culimada Soomaaliya, ayaa ammaanay doorka muuqda ee culimadu ku leeyihiin wacyigelinta bulshada, ilaalinta midnimada ummadda iyo ka hortagga afkaaraha xagjirnimada.

newsinsideWaxa uu tilmaamay in dhaqanka Soomaaliyeed iyo dowladnimadu ay ku tiirsan yihiin talo, hagid iyo baraarujin joogto ah, taas oo ka dhigaysa in iskaashiga culimada iyo dowladda uu noqdo mid lama huraan ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aragtidiisu ay ahayd in shirkan culimada lagu qabto Muqdisho si loo xoojiyo wada shaqeynta iyo xiriirka tooska ah ee dowladda Federaalka iyo culimada dalka, isagoo hoosta ka xarriiqay in wada shaqeyntaas loo baahanyahay in ay gaarto dhammaan gobollada dalka.

Culimada uu madaxweynuhu cashada u sameeyay ayaa ka qeybgalay shir socday maalmo oo ka dhacay caasimadda laguna falanqeeyay doorka diinta ee nabadda, horumarinta bulshada iyo ka hortagga fikirrada wax u dhimaya midnimada iyo dhaqanka Soomaaliyeed.