
Sabti, November 29, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal beeled geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kasoo barqanimadii maanta ka dhacay xadka ay wadagaan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Dagaalkaan ayaa la sheegay inuu ahaa mid socday mudo ku dhaw 30 daqiiqo, islamarkaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii labada beelood uu soo kala dhex galay muran la xariira lahaanshiyaha dhul beereed ku yaala duuleedka Koonfureed ee deegaanka Calaag oo ku yaala xadka kala qeybiya labada gobol.
Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaartay labada dhinac, hayeshee si rasmi looma oga inta uu dhan yahay khasaaraha kala gaaray labada maleeshiyo beeleed ee dirirtu dhexmartay.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanada dhaca xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaasi si weyn looga dareenayo xiisad dagaal, islamarkaana dhinacyadu ay kala gaarayaan gurmadyo ciidan.
Dagaal beeleedkan maanta ka dhacay duuleedka deegaanka Calaag ayaa kusoo aadaya, iyadoo laba maalin ka hor maleeshiyaad kasoo jeeda gobolka Shabeellaha Dhexe ay aano qabiil darteed ugu dileen duuleedka deegaanka Xalfooley ee gobolka Hiiraan oday 80 sano jir ahaa.