Isniin, November 3, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer degdeg ah ku sameeyay xarun ka tirsan Hay’adda Diiwaangelinta Dadweynaha Qaranka (NIRA) oo ku taalla degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaddib cabashooyin ballaaran oo ay shacabka muujiyeen.
Kormeerkan ayaa yimid kaddib markii muuqaallo iyo sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ay muujinayeen xaalad adag oo ay wajahayeen haween iyo gabdho Soomaaliyeed oo habeenkii ku hoyanayay bannaanka xarunta NIRA si ay u helaan kaararka aqoonsiga qaranka.
newsinsideRa’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in xaaladdaas aanan la aqbali karin, isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in shacabka si cadaalad ah oo sharaf leh loogu adeego.
“Xaaladda aan ku aragnay baraha bulshada waa mid aan la aqbali karin, Gabdhaha Soomaaliyeed waa in aan lagu khasbin inay yimaadaan habeenkii ama ay bannaanka seexdaan, taas waxay khatar gelinaysaa amnigooda, sidoo kale waa arrin aan habboonayn,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa faray madaxda hay’adda NIRA in ay ballaariyaan saacadaha shaqada si loo yareeyo ciriiriga iyo saxmadda dadka, isla markaana adeegyada loo dhoweeyo bulshada si ay si fudud u helaan kaararka aqoonsiga.
Sidoo kale, wuxuu amray in la habbeeyo nidaamka adeeg bixinta, iyadoo la kala saarayo safafka dadka iska diiwaangelinaya iyo kuwa kaararka qaadanaya, si looga fogaado in qof doonaya inuu kaliya qaato kaarkiisa uu waqtigiisa ku lumiyo safar aan isaga khusayn.