Sabti, November 8, 2025 (HOL) - Raysal Wasaare ku xigeenka koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Belem ee dalka Brazil ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada (COP30).
Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la qaado tallaabooyin deg deg si loo yareeyo saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada.
newsinsideSaalax Axmed Jaamac ayaa xusay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ugu nugul dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelada Cimilada ee sida weyn u sii kordhaaya sanadahii ugu dambeeyay.
Wuxuu sidoo kale sheegay Raysal Wasaare ku xigeenka dalka in Soomaaliya ay ku soo noqnoqdeen abaaro ba’an oo qeyb weyn ku lahayn wasakhowga hawada ee sababaya isbeddelka cimilada.
"Mudane Saalax ayaa carrabaabay qorshaha Soomaaliya ee NDC iyo Qorshaha La-qabsiga Cimilada, kuwaas oo qayb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), isagoo tilmaamay in qorshahani diiradda saarayo afar qodob oo waaweyn: la-qabsiga, maalgelinta cimilada, khasaaraha iyo magdhowga, iyo isbeddelka tamarta nadiifta ah" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Xukuumadda.
Ugu dambeyntii Raysal wasaare ku xigeenka ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay iska kaashadaan wax ka qabashada iyo yareynta khasaaraha ay keento Cimilada isbadelaysa, si loo xaqiijiyo mustaqbal deegaan oo waara.