In ka badan 30 dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyada Sweden oo la filayo in la soo tarxiilo

 

Axad, October 19, 2025 (HOL) - In ka badan 30 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku xiran xabsiyo ku yaalla dalka Sweden ayaa lagu wadaa in loo soo tarxiilo Soomaaliya, sida uu sheegay mid ka mid ah dhalinyaradaas.

Ibraahim, oo kamid ah dhalinyaradaas laguna hayo xabsi ku yaalla caasimadda labaad ee Sweden, ayaa aaminsan in loo xiray heshiis tarxiil ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden — inkasta oo dowladda Soomaaliya arrintaas beenisay.

newsinside“Iyada oo aan wax dambi ah nalagu soo oogin ayaa nala xiray,” ayuu yiri Ibraahim oo la hadlay saxaafadda. Wuxuu sheegay dowladda Sweden in ay ka go’an tahay in ay si qasab ah u tarxiisho dhalinyaradan Soomaaliyeed, kuwaas oo qaarkood ay xaasas iyo carruur ku leeyihiin Sweden.

Ibraahim ayaa sheegay in dhalinyaradan xiran ay isugu jiraan dhalinyaro sharciyadii loo diiday iyo kuwa ay ka dhaceen sharciyadii, kuwaas oo muddo bilo ah ku xiran xabsiyada Sweden.

"Safaaradda Soomaaliya ee Sweden kama helin wax taageero ah. Maalinta ay Soomaaliya hadasho, ayaan helaynaa xorriyaddeenna. Waxaan rabnaa inay Soomaaliya si cad u tiraahdo, "dadkaas ma aha dambiilayaal, la iimana soo celin karo,” ayuu yiri.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan si cad u beenisay jiritaanka heshiis ay la gashay dowladda Sweden oo ku saabsan tarxiilka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku sugan sharci la’aanta. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa wararkaasi ku tilmaamay “been abuur aan sal iyo raad lahayn.”