Shil Tareen oo Dad Badani Ku Dhinteen oo Ka Dhacay Bariga Itoobiya

 

Talaado, October 21, 2025 (HOL) - Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay, halka 29 kalena ay dhaawacyo halis ah iyo kuwo fudud kasoo gaadheen shil tareen oo habeenimadii Isniinta ka dhacay khadka u dhexeeya magaalooyinka Dire Dawa iyo Dewele ee bariga Itoobiya, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta deegaanka.

Wararka laga helayo maamulka degmada Shinile ee gobolka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in shilku dhacay saqdii dhexe ee xalay, abaarihii 2:00 AM. Tareenka oo ka soo ambabaxay magaalada Dewele kuna sii jeeday Dire Dawa, ayaa ahaa kuwa adeega dadweynaha oo rakaab sida, markii uu si lama filaan ah u gaddoomay.

Saraakiisha deegaanka ayaa tilmaamay in gurmad degdeg ah loo diray goobta uu shilku ka dhacay, si loo caawiyo dadka dhaawacmay loona qaado isbitaallada ku dhow. Ciidamada booliska iyo shaqaalaha caafimaadka ayaa si wadajir ah uga shaqaynayey samatabbixinta iyo daadgureynta.

newsinsideSawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya kooxaha gurmadka oo ku mashquulsan soo saarista dadka ku xayiran gudaha tareenka kadib markii uu shilku dhacay, iyadoo ay soo gurmadeen dad deegaanka ah oo gacan ka geystay hawlaha badbaadada. Si kastaba ha ahaatee, weli lama shaacin sababta rasmiga ah ee shilka keentay.

Mas’uuliyiinta gobolka Soomaalida ayaa sheegay in baadhitaan rasmi ah la bilaabay si loo ogaado waxa sababay shilka, iyadoo la eegi doono xaaladda farsamo ee tareenka, xawaaraha uu ku socday, iyo xaaladda waddada tareenka laftiisa.

Khadka Dire Dawa ilaa Dewele waa qayb kamid ah waddada tareenka taariikhiga ah ee uu Faransiisku dhisay, taasoo isku xidha magaalada Dire Dawa iyo xadka u dhow ee Dewele. Tareenkan ayaa muddo dheer ahaa xariiq muhiim u ah isu socodka ganacsiga iyo rakaabka u kala goosha Itoobiya iyo Jabuuti.

Shilkan ayaa soo jiitay dareenka bulshada iyo warbaahinta gudaha, maadaama uu ku dhacay meel si weyn loo isticmaalo, isla markaana uu sababay khasaare nafeed oo culus. Dadka deegaanka ayaa sheegay in tani ay tahay mid kamid ah shilalka ugu xanuunka badan ee ka dhaca gobolka muddooyinkan dambe.

Mas’uuliyiinta heer qaran iyo kuwa maxalli ah ayaa ballan qaaday in la qaadi doono tallaabooyin lagu xaqiijinayo badbaadada tareennada mustaqbalka, isla markaana dib loo eegi doono nidaamyada ilaalinta iyo dayactirka kaabayaasha tareennada dalka Itoobiya.