Jimco, October 24, 2025 (HOL) - Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu qabtay kal-fadhiga labaad ee Madasha Furan ee Dowladda Dhexe ee hoos timaada Barnaamijka Qaramada Midoobay ee Deegaamaynta iyo Magaalooyinka (UN-Habitat), kaas oo diiradda saaraya arrinta muhiimka ah ee Guryo Ku Filan Qof Walba.
Intii uu socday kulankaasi, Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu doortay Ku-Xigeenka Guddoomiyaha (Co-Chair) ee Madasha Caalamiga ah ee Guryeynta, waxaana doorashadaasi loo arkayaa mid taariikhi ah oo ka tarjumaysa kaalinta sii kordheysa ee Soomaaliya ee dhinacyada guryeynta, dib-u-dhiska, iyo qorsheynta magaalooyinka waara.
newsinsideDoorashadan ayaa timid xilli Soomaaliya ay dadaal xooggan ku bixineyso soo celinta adeegyada aasaasiga ah ee magaalooyinka, iyo dhiirrigelinta qorshayaasha guryo jaban oo loogu talagalay dadka danyarta ah iyo barakacayaasha gudaha dalka.
Madasha oo lagu qabtay xarunta dhexe ee UN-Habitat ee Nairobi, ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay u xoojin lahaayeen iskaashiga dhinacyada maalgashiga guryaha, dhismaha guryo la awoodi karo, iyo hirgelinta qorshayaasha waara ee magaalooyinka.
Marka laga soo tago Soomaaliya, waxaa Guddoomiye kale ee Madashan loo doortay Azerbaijan, iyadoo labada dal ay wadaagi doonaan hoggaanka mudada 2025–2026. Horey, xilkan waxaa u hayay dalalka Kenya iyo Faransiiska.
Madashan waxay qayb muhiim ah ka tahay fulinta siyaasadaha caalamiga ah ee guryaha, iyadoo gacan ka geysata soo jeedinta talooyin, mideynta hawlaha dowladaha xubnaha ka ah iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo guryo ammaan ah, waara, oo la awoodi karo qof walba.