Isniin, October 27, 2025 (HOL) - Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika (US Africa Command AFRICOM) ayaa shaaciyay laba duqeyn oo ay ka fuliyeen buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ku sugan yihiin dagaalamayaal katirsan Daacish.
Duqaynta koowaad ayaa la qaaday 24-kii Oktoobar, halka tan labaad la fuliyey 26-kii Oktoobar. AFRICOM waxay sheegtay in labaduba lagu qaaday meel qiyaastii 53 mayl (85 km) u jirta magaalada dekedda ah ee Boosaasoo.
newsinsideAFRICOM ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah, maaddaama ay joojisay in ay soo bandhigto tirada dhimashada iyo qiimeynta khasaaraha rayidka tan iyo bishii Abriil. Taliska AFRICOM ayaa sheegay Faahfaahinta ku saabsan unugyada iyo qalabka la isticmaalay aan shaacin doonin si loo ilaaliyo amniga hawlgallada.
Mas’uuliyiinta Puntland ayaa sheegay in ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah dagaalamayaasha ISIS ee buuraha Cal-Miskaad, iyagoo helaya taageerada AFRICOM.
Maraykanku wuxuu si weyn u kordhiyey duqeymaha uu ka fuliyo Puntland, sidoo kalena wuxuu sii wadaa taageerada cirka ee uu siiyo dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho ee dagaalka kula jirta al-Shabaab. Sida laga soo xigtay tirakoobka Antiwar.com, labada duqeyn ee ugu dambeeyey waxay tirada guud ee duqeymaha Maraykanka ee Soomaaliya sanadkan ka dhigeen 86.
Maamulka Trump ayaa jebiyey rikoorkiisii hore ee duqeymaha sanadlaha ah ee uu ka fuliyo Soomaaliya — rikoorkaas uu isagu dhigay sanadkii 2019 ayaa ahaa 63 duqeyn. Marka la barbar dhigo, Madaxweyne Biden wuxuu afartiisii sano ee xafiiska joogay qaaday 51 duqeyn.