Wasiirka Socdaalka Sweden oo lagu eedeeyay musuq la xiriira lacag la siiyay Dowladda Soomaaliya

 

Talaado, October 28, 2025 (HOL) - Xisbiga Social Democrats ee dalka Sweden ayaa u gudbiyay Wasiirka Socdaalka, Johan Forssell, guddiga dastuuriga ah ee baarlamaanka si loo baaro eedeymo ku saabsan lacag lagu sheegay in dowladdiisu ay siisay Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo fududeeyo tarxiillada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Warbixin uu daabacay wargeyska Dagens Nyheter (DN) ayaa lagu sheegay in dowladda Sweden ay bixisay 5 milyan oo krona (qiyaastii nus milyan dollar ah), lacagtas oo la sheegay in lagu wareejiyay saddex mas’uul oo sare oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

newsinsideAfhayeenka arrimaha dibadda ee Xisbiga Social Democrats, Morgan Johansson, ayaa ku tilmaamay lacagtaas “musuq toos ah” iyo “lacag laaluush ah” oo lagu siiyay “dowlad Islaami ah,” sida uu hadalka u dhigay.

Hase yeeshee Wasiirka Socdaalka Johan Forssell ayaa iska difaacay eedeymaha, isagoo sheegay in heshiiska uu ahaa “is-kaashi muhiim ah” oo loogu talagalay in lagu hubiyo in dembiilayaasha khatarta ah dib loogu celiyo dalalkooda hooyo.

Forssell ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in lacagtaas aysan ahayn gargaar bani’aadamnimo, balse ay qayb ka ahayd iskaashi u dhexeeya dowladda Sweden iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka ayaa sheegay in tirada dadka lagu tarxiilay dalalkooda ay korortay 60% tan iyo markii xukuumaddiisu talada qabatay, inkasta oo uusan caddeyn tirada dadka si gaar ah loogu celiyay Soomaaliya.