Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho

Talaado, December 2, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil gaari oo naxdin leh oo Xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay shilkan gaari waxa ku dhintay haweeney la sheegay inay ahayd sano 60 jir, taasoo lagu magacaabi jiray Maryan Maxamuud Culusow, waxaana ku dhaawacmay afar ruux oo kale.

Gaarigan oo ahaa kuwa waa weyn ee Xamuulka ah, islamarkaana siday rar badan ayaa gudaha u galay haweeneyda dhimatay hoygeeda iyo Maqaaxi ku dhaganeyd gurigeeda, kadib markii la sheegay in gaariga uu darawalka ka waayay Bareega.

Xiliga uu shilkan dhacayay ayaa la sheegay in darawalka uu damacsanaa inuu kala wareego, hayeshee uu bareega ka waayay gaariga, kadibna uu dhexda ka galay guriga ay ku sugnayd Marxuumada iyo Maqaaxida.

Shilkaan gaari ayaa noqonaya todobaadkan gudahiisa kii labaad ee geysta khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo 28-kii bishii dhamaaday sidan oo kale hal qof uu ku dhintay shil gaari Xamuul ahaa oo ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada ayna ku dhaawacmen 2 ruux oo kale.

Ugu dambeyntii shilalka ay ku lugta leeyihiin gawaarida Xamuulka qaada ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo kordhay magaalada Muqdisho, taasoo loo sababeyo darawalada qaarkood oo aan isku hubin gaadiidkooda iyo kuwa khibradooda hooseyso.