Ciidamada huwanta oo kaabiga ku haya deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Axad, November 30, 2025 (HOL) -  Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ay dhaq dhaqaaqyo culus ka wadaan duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. 

Ciidamada is kaashanaya ayaa qorsheynaya iney dib ula wareegaan gacan ku heynta deegaanka Xawaadley oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Balcad, halkaas oo Maleeshiyaadku bartamihii sanadkan la wareegeen.

Dad ku sugan deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in saacadihii ugu dambeeyay ay halkaasi gaareen ciidamo heeraad ah oo xoojinaya kuwii horay u joogay duuleedka degmada Balcad si ay uga qeyb noqdaan gulufka dagaal ee dowladdu ku dooneyso iney dib ula wareegto deegaanka Xawaadley. 

Saraakiisha ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedka ugu weyn ee abaabulkan uu yahay qabsashada deegaanka Xawaadley oo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay fariisin u aheyd kooxda Al-shabaab. 

Xaalad kacsanaan ah ayaa la dareemaya  deegaanka Xawaadley iyo agagaarkiisa, halkaas oo wararkii ugu dambeeyay sheegayaan inuu ka bilaawday barakac ay wadaan dadka ku nool deegaankaas oo ka cabsi qaba in waxyeelo kasoo gaartay guluska dagaal ee ku wajahan Xawaadley.

Lasoco wixii kusoo kordha warkan.