
Talaado, Agoosto 4, 2026 (HOL) - Xisbiga Towfiiq ayaa ku gacan seyray natiijada doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo golaha wakiillada ee Galmudug ee ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka, isagoo ku eedeeyay guddiga in habraaca doorashada lagu tuntay rabitaanka codbixiyeyaasha isla markaana la dhaawacay hannaanka doorasho qof iyo cod ah.
War-saxaafadeed uu soo saaray xisbigu ayuu ku sheegay in natiijada lagu dhawaaqay ay shacabka Galmudug ka qaaday xuquuqdoodii dastuuriga ahayd, isla markaana ay meesha ka saartay kalsoonidii laga qabay geeddi-socodka doorashada. Xisbiga ayaa ku dooday in habka loo maareeyay codbixinta iyo tirinta codadka uu hareeyay musuq iyo eex, taasoo, sida uu sheegay, si weyn u saameysay natiijada kama dambaysta ah.
Towfiiq wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay filayeen doorasho hufan oo ka tarjumaysa rabitaankooda, balse natiijada lagu dhawaaqay aysan waafaqsanayn codadkii ay goobaha codbixinta ka diiwaangeliyeen wakiilladiisa. Xisbiga ayaa ka digay in aqbalidda natiijadan ay dhaawici karto kalsoonida lagu qabo hannaanka dimuqraadiyadeed iyo ka qaybgalka shacabka ee doorashooyinka mustaqbalka.
Xisbigu wuxuu ugu baaqay guddiga doorashooyinka iyo dhinacyada ay khusayso in dib loogu noqdo go'aanka lagu dhawaaqay, isla markaana dib-u-eegis madax-bannaan lagu sameeyo natiijooyinka iyo codadka laga kala helay tobanka degmo ee doorashadu ka dhacday, si loo xaqiijiyo in rabitaanka shacabka si sax ah loo muujiyo.
Sida uu xisbigu sheegay, doorashada tobanka degmo ee Galmudug waxaa codkooda dhiibtay 58,519 qof, halka codadka halaabay ay gaarayeen 987, oo u dhiganta ku dhowaad boqolkiiba hal. Towfiiq ayaa ku andacooday in uu helay 53,054 cod oo u dhiganta 53.85% codadkii golaha wakiillada, taasoo uu sheegay inay u saamaxaysay inuu ku guuleysto 47 ka mid ah 89-ka kursi ee golaha.
Dhanka goleyaasha deegaanka, xisbigu wuxuu sheegay inuu helay 54,064 cod oo u dhiganta 54.87% codadkii la dhiibtay, isagoo ku dooday in natiijadaasi siinaysay 104 ka mid ah 243-da kursi ee goleyaasha deegaanka ee Galmudug.
Guddiga Doorashooyinka ayaa shalay ku dhawaaqay natiijada rasmiga ah ee doorashadii goleyaasha deegaanka ee Galmudug, iyagoo sheegay in Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka uu noqday ururka ugu codadka badan, isagoo helay 135,247 cod iyo 63 kursi, halka Ururka Towfiiq uu galay kaalinta labaad kadib markii uu helay 26,003 cod iyo 12 kursi.