
Arbaco, Agoosto 5, 2026 (HOL) - Ciidamada Puntland ayaa gudaha u galay taliskii ciidamada PSF oo ku taallay duleedka bari ee magaalada Gaalkacyo, kaddib dagaal culus oo waaberigii saakay ka qarxay halkaasi.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ciidamada PSF ay ka baxeen xerada, iyagoo halkaasi uga tegay hub iyo gaadiid dagaal. Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya ciidamo ka tirsan Puntland oo gudaha xerada ku sugan, kuwaas oo sheegaya inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta saldhigga.
Sidoo kale, wararka soo baxaya ayaa tilmaamaya in ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen tiro ka tirsan ciidamada PSF, oo ay ku jiraan saraakiil ciidan, halka askar kale la sheegay inay isu dhiibeen.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo wararka ay sheegayaan in dad rayid ah ay sidoo kale waxyeello kasoo gaartay madaafiic iyo rasaas ku dhacday xaafadaha ay deggan yihiin. Lama oga tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay iska horimaadka.
Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay dhinacyada ku lugta leh dagaalka, mana suurtagelin in si madax-bannaan loo xaqiijiyo sheegashooyinka la xiriira la wareegidda xerada iyo tirada ciidamada la qabtay.
Iska horimaadkan ayaa dhacay maalin uun kaddib markii Puntland ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeysay inay hub iyo ciidamo geysay magaalada Gaalkacyo, iyadoo sheegtay in tallaabadaasi ay halis ku tahay amniga magaalada.
Dowladda Federaalka ayaan weli ka jawaabin eedeymahaas.