
Khamiis, Agoosto 6, 2026 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ansixinta Sharciga Asalka Badeecadaha ay qeyb ka tahay dadaallada lagu kobcinayo wax-soo-saarka gudaha, laguna ballaarinayo fursadaha ay badeecadaha Soomaaliyeed ku geli karaan suuqyada gobolka iyo qaaradda Afrika.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Jamaal Maxamed Xasan, oo warbaahinta la hadlay kaddib kulankii Golaha Wasiirrada ee Khamiista, ayaa sheegay in sharcigan uu u sahli doono ganacsatada iyo warshadaha dalka inay helaan shahaadada caddeynta asalka badeecadaha (Certificate of Origin), taas oo u oggolaaneysa inay ka faa'iideystaan cashuur-dhaafyada ay dhigayaan heshiisyada ganacsi ee Soomaaliya ay ku biirtay, gaar ahaan kuwa Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA).
Wasiirka ayaa sheegay in badeecadaha buuxiya shuruudaha sharciga, oo ay ku jiraan kuwa lagu farsameeyo Soomaaliya, ay heli doonaan aqoonsi rasmi ah oo u fududeynaya dhoofinta, taas oo la filayo inay sare u qaaddo tartanka wax-soo-saarka gudaha isla markaana kordhiso fursadaha ganacsi ee shirkadaha Soomaaliyeed.
Jamaal Maxamed Xasan ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddu ay waddo qorsheyaal lagu dhiirrigelinayo warshadaha gudaha, oo ay ku jiraan dib-u-eegista siyaasadaha canshuuraha si mudnaan loo siiyo badeecadaha gudaha lagu soo saaro.
Wuxuu xusay in tallaabadaas looga gol leeyahay in la kordhiyo maalgashiga, la abuuro shaqooyin cusub, lana yareeyo ku-tiirsanaanta badeecadaha dibadda laga soo dejiyo.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in dowladda ay qorsheyneyso siyaasado dheeraad ah oo lagu ilaalinayo wax-soo-saarka gudaha, si loo dhiso dhaqaale ku tiirsan warshadaha iyo beeraha dalka, isla markaana loo xoojiyo awoodda Soomaaliya ee dhoofinta suuqyada gobolka iyo qaaradda Afrika.