
Talaado, Luulyo 7, 2026 (HOL) - Wafdi ka socda Dowladda Turkiga ayaa lagu wadaa inuu Talaadada maanta la kulmo guddiyo kala metelaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, ka hor inta aan Arbacada si rasmi ah u bilaaban wada-hadallo fool ka fool ah oo ay garwadeen ka yihiin wakiillo reer Galbeed ah, sida ay sheegeen ilo ku dhow geeddi-socodka.
Kulamadan ayaa imaanaya kaddib dadaallo diblomaasiyadeed oo hore loogu doonayay in lagu xalliyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya, balse aan lagu guuleysan in la gaaro is-afgarad u dhexeeya dhinacyada is haya.
Mucaaradka, oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa hore u diiday inay ka qeybgalaan wada-hadallo uu Turkigu si gaar ah u hoggaaminayo. Waxay ku doodeen in Ankara aysan ahayn dhexdhexaadiye ay labada dhinac si isku mid ah ugu kalsoon yihiin.
Si kastaba ha ahaatee, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Turkigu uu markan wada shaqeyn la sameynayo wakiillo reer Galbeed ah, iyadoo la doonayo in la abuuro hannaan ay dowladda iyo mucaaradkuba ku kalsoonaadaan, isla markaana kor loogu qaado fursadaha lagu gaari karo heshiis siyaasadeed.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in mas'uuliyiinta Turkigu ay qiimeyn u gudbiyeen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo lagu muujiyay walaac ku saabsan in xaaladda siyaasadeed ay sii adkaan karto haddii aan heshiis loo dhan yahay laga gaarin arrimaha doorashooyinka ka hor bisha Oktoobar 2026.
Ilaa iyo hadda, Dowladda Turkiga iyo Madaxtooyada Soomaaliya si rasmi ah ugama aysan hadlin wararka la xiriira qiimeynta la sheegay in loo gudbiyay madaxda dowladda.
Dadaalladan ayaa qayb ka ah isku-dayo ay taageerayaan dhinacyo caalami ah oo lagu doonayo in lagu soo afjaro ismari-waaga siyaasadeed ee hareeyay geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo laga cabsi qabo in khilaafka sii jiitama uu horseedi karo xasillooni darro siyaasadeed haddii aan xal laga gaarin bilaha soo socda.