Shariif Sheekh Axmed: Dastuurka Ku-meelgaarka ah ma siin Puntland xuquuq gaar ah

Cabirka Farta

Shariif Sheekh Axmed: Dastuurka Ku-meelgaarka ah ma siin Puntland xuquuq gaar ah

Khamiis, Luulyo 9, 2026 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa markii ugu horreysay ka jawaabay dhaliilaha loo jeediyay ee ku saabsan in Dastuurka Ku-meelgaarka ah uu Puntland siiyay awoodo ama xuquuq gaar ah, isagoo sheegay in aanu jirin hal qodob oo dastuurka ku jira oo si gaar ah u daneynaya Puntland.

Shariif ayaa sheegay in nidaamka federaalka uu ka dhashay heshiis siyaasadeed oo ay wada gaareen dhinacyadii Soomaaliyeed ee ka qaybgalayay geeddi-socodkii dib u heshiisiinta, isla markaana diyaarinta dastuurka aysan ku koobnayn dowladda iyo Puntland oo keliya.

Wuxuu sheegay in maamullo iyo dhinacyo kale oo Soomaaliyeed ay qayb ka ahaayeen geeddi-socodkaas, halka guddiyo khubaro ah ay diyaariyeen qabyo-qoraalka dastuurka, ka hor inta aan heshiis siyaasadeed lagu soo gabagabeyn si dalka looga saaro marxaladdii ku-meelgaarka.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Puntland ay ahayd maamul Soomaaliyeed oo jiray ka hor aas-aaskii dowladda federaalka, isla markaana nidaamka federaalka lagu heshiiyay shirarkii dib u heshiisiinta si wax looga qabto burburkii dowladnimada iyo kalsooni darridii ka dhalatay dagaalladii sokeeye.

Waxa uu intaas ku daray in xilligii uu xilka hayay aanay suuragal ahayn in dowladda ku-meelgaarka ahi gaarto dhammaan deegaannada dalka sababo la xiriira xaaladaha amni iyo siyaasadeed, sidaas darteedna waddada keliya ee looga bixi karay ku-meelgaarka ay ahayd in heshiis siyaasadeed lala gaaro maamulladii jiray, gaar ahaan Puntland.

Shariif ayaa sheegay inuu rumaysnaa in tanaasul siyaasadeed loo baahnaa si loo dhiso dowlad rasmi ah, isagoo ku dooday in Soomaaliya ay ka faa’iidaysatay ka bixitaankii ku-meelgaarka, maadaama ay suuragashay in la qabto doorashooyin, la ansixiyo Dastuurka Ku-meelgaarka ah, isla markaana la ballaariyo hay’adaha dowladda.