Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo ku Xirtay Kaarka NIRA Codsiga Baasaboorka Laga Bilaabo Luulyo 2026

Cabirka Farta
Maqal
0:00
0:00

Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo ku Xirtay Kaarka NIRA Codsiga Baasaboorka Laga Bilaabo Luulyo 2026

Khamiis, May 14, 2026 (HOL) - Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo 1-da Luulyo 2026 aan la aqbali doonin codsiyada baasaboorka ee dadka aan haysan Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee NIRA ama shahaadada caddeyneysa in ay diiwaangashan yihiin.

Go’aankan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda federaalka ay ku doonayso xoojinta nidaamka aqoonsiga muwaadiniinta iyo isku xirka adeegyada dowladda.

War-saxaafadeed ay soo saartay hay’addu ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu boorinayo inay si deg deg ah isu diiwaangeliyaan una qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka kahor inta aan la dhaqan gelin shuruudda cusub.

“Qof aan haysan Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee NIRA ama shahaadada lagu sugto kaarkaasi ma codsan karo baasaboorka Soomaaliya laga bilaabo 1-da Luulyo 2026,” ayaa lagu yiri wargelinta.

Hay’addu sidoo kale waxay shaacisay isbeddel kale oo la xiriira habraaca codsiga baasaboorka, iyadoo sheegtay in laga bilaabo 13-ka May 2026 codsadayaasha laga qaadi doono oo keliya nuqullada dukumintiyada (copies), halka waraaqaha asalka ah dib loogu celin doono dadka leh.

Mas’uuliyiinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sheegay in tallaabadan ay ujeedadeedu tahay fududeynta adeegyada iyo ilaalinta dukumintiyada muhiimka ah ee muwaadiniinta.

Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo ku Xirtay Kaarka NIRA Codsiga Baasaboorka Laga Bilaabo Luulyo 2026