
Khamiis, May 14, 2026 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa beeniyay digniin cimilo oo ay faafisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SODMA), taasoo ka digaysay duufaano iyo roobab culus oo la sheegay inay saameyn karaan deegaano ka tirsan Puntland iyo qaybo kamid ah xeebaha Soomaaliya inta u dhaxaysa 12-ka ilaa 17-ka May 2026.
War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Puntland iyo Xarunta Maareynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka DPL ayaa lagu sheegay in digniintaasi aysan ahayn mid rasmi ah oo la ansixiyay.
Hay’adaha Puntland ayaa sheegay inay sameeyeen hubin rasmi ah, ayna ogaadeen in xogta ay SODMA faafisay aysan ahayn digniin rasmi ah oo go’aan dowladeed laga gaaray.
“Waxaan xaqiijinaynaa in xogtaasi aysan ahayn mid rasmi ah laguna go’aan qaatay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Labo maalin ka hor, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku saabsan duufaan onkod leh oo xooggan oo la filayo inay saameyn ku yeelato qaybo kamid ah gobollada Bari iyo Nugaal ee Puntland inta u dhexeysa 12-ka illaa 17-ka Maajo.
Bayaan ay hay’addu soo saartay ayay ku sheegtay in saadaasha cimiladu muujinayso roobab mahiigaan ah, dabaylo xooggan, hillaac iyo onkod badan leh, mowjado badeed oo sareeya, iyo suurtagalnimada daadad xooggan oo saameyn kara isu socodka iyo kalluumeysiga gudaha badda.
Digniinta ayaa lagu sheegay inay quseyso deegaanno ay kamid yihiin Eyl, Dangoroyo, Bandarbayla, Qardho iyo Garowe, iyadoo bulshada ku nool halkaas loogu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah.
