Xi Jinping: Maraykanka iyo Shiinahu way isku dhici karaan haddii arrinta Taiwan si khaldan loo maamulo

Cabirka Farta
Maqal
0:00
0:00

Xi Jinping: Maraykanka iyo Shiinahu way isku dhici karaan haddii arrinta Taiwan si khaldan loo maamulo

Khamiis, May 14, 2026 (HOL) - Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa uga digay madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, in xidhiidhka labada dal uu geli karo xaalad khatar ah haddii si khaldan loo maareeyo muranka u dhexeeya Taiwan.

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda Shiinaha ee CCTV, Xi Jinping ayaa sheegay in arrinta Taiwan ay tahay qodobka ugu muhiimsan ee xidhiidhka u dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanka, xilli Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu Booqasho ku marayo dhulwaynaha Shiinaha.

“Haddii si khaldan loo maareeyo arrinta Taiwan, labada dal way isku dhici karaan ama xitaa waxay geli karaan iska hor imaad toos ah, taas oo xidhiidhka Shiinaha iyo Maraykanka gelin karta meel aad u khatar badan,” ayuu yidhi Xi Jinping.

Wakaaladda wararka dowladda Shiinaha ee Xinhua News Agency ayaa sidoo kale sheegtay in Xi uu Trump uga digay in muranka Taiwan uu sababi karo xiisad weyn oo ka dhex dhalata labada quwadood ee adduunka ugu awoodda badan.

Shiinaha ayaa Taiwan u arka qayb ka mid ah dhulkiisa, inkasta oo jasiiraddu ay leedahay maamul madax-bannaan oo iskeed isu maamula. Dowladda Beijing ayaa marar badan ku hanjabtay inay xoog kula mideyn karto Taiwan dhulwaynaha Shiinaha haddii loo baahdo.

Dhanka kale, Maraykanka ayaa sii wada taageerada militari iyo siyaasadeed ee uu siiyo Taiwan, arrintaas oo marar badan xiisad ka dhex abuurtay Washington iyo Beijing.