Ololaha Doorashada DDS oo sii xoogeysanaya, Doollo Ado oo muujisay taageero xooggan oo ay u hayso Xisbiga Barwaaqo

Cabirka Farta

Ololaha Doorashada DDS oo sii xoogeysanaya, Doollo Ado oo muujisay taageero xooggan oo ay u hayso Xisbiga Barwaaqo

Khamiis, May 14, 2026 (HOL) -  Kumannaan qof ayaa maanta ka qaybgalay isu soo bax ballaadhan oo ka dhacay magaalada Doollo Ado ee gobolka Liibaan, kaas oo lagu muujinayay taageerada shacabka ay u hayaan Xisbiga Barwaaqo iyo musharixiintiisa u tartamaya Doorashada 7aad ee dalka Itoobiya.

Isu soo baxa ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxa Xisbiga Barwaaqo ee laanta Dowlad Deegaanka Soomaalida, Injineer Maxamed Shaalle Isaaq, oo ay weheliyaan musharixiinta gobolka Liibaan. Mas’uuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiga ayaa socod ku maray waddooyinka waaweyn ee magaalada, iyadoo shacabka isu soo baxay ay si weyn u muujiyeen taageeradooda.

"Bulshada magaalada Doollo Ado ayaa dirtay fariin siyaasadeed oo ku dhisan midnimo, horumar iyo kalsooni, iyagoo si cad u muujiyay inay garab taagan yihiin Xisbiga Barwaaqo iyo musharixiinta uu xisbigu usoo xulay degmada iyo gobolka Liibaan" ayaa lagu yidhi qoraal uu baahiyay xisbiga Barwaaqo.

Mas’uuliyiintii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xisbiga Barwaaqo uu diiradda saarayo horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta nabadgalyada iyo hirgelinta qorshayaal horumarineed oo wax ka taraya baahiyaha shacabka deegaanka.

Dhanka kale, ololaha Doorashada 7aad ee Itoobiya ayaa si habsami leh uga socda guud ahaan deegaanada Dowlad Deegaanka Soomaalida, iyadoo xisbiga Barwaaqo uu maalmahan dambe kordhiyay isu soo baxyada iyo kulamada uu la yeelanayo bulshada.

Degmada Fiiq ee gobolka Erer ayaa sidoo kale lagu qabtay kulanweyne dhalinyaro oo ay kasoo qaybgaleen musharixiinta Xisbiga Barwaaqo, maamulka gobolka iyo qaybaha kala duwan ee dhalinyarada, iyadoo kulankaasi diiradda lagu saaray ka qaybgalka dhalinyarada ee horumarka, nabadda iyo hawlaha qaran.

Sidoo kale, taageerayaasha Xisbiga Barwaaqo ee magaalooyinka Dhagaxle ee degmada Gursum iyo Gunagado ee gobolka Jarar ayaa sameeyay isu soo baxyo ay ku taageerayaan musharixiinta xisbiga, halka musharixiinta degmada Cadaadle ay socdaallo ololeed ku gaadheen tuulooyin dhowr ah oo ay kula kulmeen shacabka deegaanka si ay u dhagaystaan baahiyahooda iyo aragtidooda la xidhiidha doorashada.