advertisements

Somalia Donor Group and UN

COMMUNIQUE

UNDP Somalia
Tuesday, October 03, 2006

The Donor Group and the United Nations would like to emphasise to all contractors, suppliers, consultants and other entities implementing construction or other work in connection with development projects in Somalia, the need to strictly adhere to the provisions of the contract entered to with respective UN or donor agencies.

advertisements
The regular procedure as agreed by all parties is based on a legal contract with general and special conditions of contract, specifications/statement of work for procurement and/or provision of goods, works and services, with a corresponding payment schedule. In the recent past, there have been incidents where contractors’, supplier’s and consultant’s and other implementing agents’ work/products has deviated from the stipulated contract  resulting in failure to execute the contract, procurement or provision of services in accordance with the particular (or corresponding) terms and conditions of the contract resulting in non performance.

Contractors are advised that any claims for financial payment made against works and procured goods and services that deviate from the agreement as per their signed contract with the UN or donor agency will be rejected. Further, no retroactive payments will be made after-the-fact against works or procured goods and services.

We appreciate the support that the Transitional Federal Institutions are providing in communicating the same to contractors, Government entities, and implementing agents.

3 October 2006

 

 

WAR-MURTIYEED

Kooxda Deeq-bixinta iyo Qaramada Midoobay waxay ku adkeynayaan dhammaan qandraasleyda, la-taliyaasha iyo ha’adaha kale ee ku hawlan dhismooyinka dhismooyinka iyo hawlaha kale ee la xiriira mashaariicda horumarinta Soomaaliya, baahida loo qabo in si adag loo xushmeeyo shuruudaha qandraasyada lala galay ee dhex-maray Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha Deeqda bixiya. 

Hab-raacyada rasmiga, sida ay ku heshiiyaan dhammaan dhinacyada ay khusayso, waxay ku salaysnaanayaan hannaanka  heshiisyada qandaraasyada iyadoo loo eegayo nidaamka guud iyo shuruudaha gaar ahaaneed ee heshiisyada shaqooyinka, cabiraadda iyo biilashada la oggolaaday, jaantusyada naqshadaha qaab-dhismeedka iyo siyaabo kale oo gaar ah ee loo qeexayo shaqooyinka la fulinayo  laguna lifaaqayo qoraallada la is-weydaarsanayo, taas oo ay ku xusan tahay  jadwalka qaabka loo bixinayo   lacagha.

Muddooyinkii dhawaa ee la soo dhaafay waxaa jiray dhacdooyin fara badan oo dhinaca shaqooyinka qandaraasyada la xiriiray, kuwaas oo  ay ka jireen khaldaad qaabka heshiisyada loo galay, iyadoo qaabka cabbiraadda baaxadda, biilasha iyo xaqiijintoodaba uusan hufnayn, islamarkaana lagu tilmaami karo in cillado dhinaca farsamada ay  la soo deristay marka loo eego qaabka meel-marinta hawlaha hirgelinta dhismayaasha, kuwaasoo keenay in ay qandraasleyda aanay ka soo dhalaalin ama fulinin qaabkii heshiisyada loola galay.

Qandaraayslayda waxaa lagu wargalinayaa in aan la oggolaan doonin bixinta lacago shaqooyin ay ku gabood-faleen ama sidii la doonayey aysan u hirgelin qaabka cabbiraadda baaxadda iyo biilasha ee ku xusan heshiiska qandaraaska ay la saxiixeen Qaramada Midoobay ama Hay’adaha Deeq-bixiyayaasha. Intaas waxaa soo raaca, iyadoo aysan jiri doonin bixinta lacago shaqoyin hore loo qabtay oo aan  hore loo qeexin ama lagu aan tilmaamin heshiis la galay.

Waxaan ka mahadcelineynaa taageerada Hay’adaha Dawladda Federaalka Ku-meel-Gaarka ah sida ay gacanta uga geysanayaan dhinaca baahinta iyo gaarsiinta xogta lala wadaagayo isla qandraasleydaas, Hay’adaha Dawladda iyo kuwa kale ee hawl-fulinta. 

3 October 2006
UNDP Somalia