advertisements

CASHIRO LA XIRIIRA BISHAN BARAKEYSAN EE RAMADAAN

AXKAAMTA SOONKA  

Idris Axmed Cusmaan

Kuwa Xaqqa rumeeyoow waxa la idinku waajibiyey soonka sidii loogu waajibiyey kuwii idinka horeeyey si aad u dhowrsataan. Waa maalmo tirsan ee ruuxii idinka mid ah oo buka ama safar ah waxaa korkiisa ah ayaamo kale (soonkood) kuwa uu dhibina waxay bixin (quudin) miskiin, ruuxii badasada (kheyrkana) saasaa u fiican, inaad soontaan ayaa idin kheyr badan hadaad tihiin kuwa wax og. Waa bisha soon ee la soo dejiyey dhexdiisa Quraanka, isagoo hanuun dadka u ah, iyo caddeyn hanuun iyo kala bixin (xaqqa iyo baadhilka) ee ruuxii jooga (nagi) ha soomo, ruuxiise buka ama safar ah, waxaa saaran maalmo kale. Wuxuu idinla dooni Eebe fudeyd ee idinlama doonayo culeys, waana inaad dhammeystirtaan tirada weyneysaanna Eebbe wuxuu idinku hanuuniyey, waxaadna u dhowdihiin, mudantihiin inaad mahadisaan Eebbe. AlBaqara-aayadaha 183-185. (Wada Aqriso)


Fursad Qaaliya Oo Mudan In Laga Faa'ideysto    

Qore: Saciid Cali Axmed

Marka hore dhamaantiinba RAMADAAN KARIIM .

Walaalayaal, Ramadaantu waa fursad qaaliya oo ay adagtahay sida lagu helaa. Waa fursad uu Ilaahay adoomihiisa siiyo sanadkiiba mar, si intoodii shaydaan duufsaday ay ugu soo laabtaan dariiqiisa, intoodii toosnaydana ay khayrka u sii kordhistaan. Ramadaan waa fursad albaabada NAARTA la xidho, kuwa JANADANA la furo. Ramadaan waa fursada shayaadiinta waawayn la xidh xidho si aanay fursadan u seejin dadka khayrka doonaya. Waa bil ay ku jirto habayn ka khayrbadan 80 sano (kun bilood). Hadaan soo koobno waa fursad hadii uu qofku ka faa'idaysto uu noloshiisa ku samayn karo is badal aduun iyo mid aakhiraba. Sidaa darteed walaalayal fursadan ha laga faa'idaysto. (Wada Aqirso)