4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
DOOD QARAN (Qaybtii I)

Qeybtii I

Qore:Cabdulqaadir Aaden Mohamuud “Jangeli”
Sunday, July 01, 2012

Akhriste qaab qoraalkaan waxuu u sameysanyahay sidii riwaayad haseyeeshee wuxu ku saleysanyahay dood qaran oo muujineysa xaaladdaa Soomaaliya, wuxuuna ka koobanyahy qyebo taxane ah oo labo ama saddex bog ku soo baxaya marwalba. Magacyada aad halkaan ka akhriyidoontid qaarkood waa sarbeeb ka soo jeeda magac qof jira.

TIMIRO: Waa wareey! war Sahal xagee ka timid qaxii ka hor baa isugu keendambeeysaye?

SAHAL:Qaxu waa badnaaya, Timiro waa kee kaad ka hadleysaa?

TIMIRO:Qixii 1991, ma qax kalaa jiray?

SAHAL:Taasa laleeyahy ha isku tiirsato! Timiro 1978 illa maantada aan joogno qaxitaanka iyo barkaco miyeyba kala istaageen ee bal warran, Xareed iyo caruurtii ma dhaqatihiin

TIMIRO:Nimco iyo barwaaqo iyo waxaan lagu waaridoon walaal.

SAHAL:Xagge ku nooshay? Anigu Ingiriiskaan Deganahaye.

TIMIRO:Walaal Moqdishu iyo Nairobi baan u dhexeyna. Dhex ku bari baan noqday. Kkkkkkkkkk! Carrurtiina Skuulada Nairobi iyo Jamicadaha Pakistan iyo Malesia ayey kala jiraa. Labadi ugu waaweyneydna waa qalin- jibiyeen.

SAHAL:Oo Timiroy Maxaad qabataan?

TIMIRO:Walaal aniguna beecmushtar baan ahay odeygiina saldhigiisu waa Nairobi oo NGO buu haystaa, haatanse Melesia jiraa oo gabadhayada oo qalin-jibineysa buu aaday. Adiguna ii waran ma dalxiis baad Nairobi u timid?

SAHAL: Waxaan u socdaa hawlo kala duwan waxaase ugu weyn ariimaha aad “Youtube-ka” ku aragtay.

TIMIRO:Walaal ma arage “Youtube-ka” maxaa ku jira? Sheekooyinka “youtube-ku” ciidii bay ka badateen waayahaane. kkkkkkkk!

SAHAL:Ma Murashaxnimadeyda Madaxweynha Soomaaliya ee xafladaha la yaabka leh la iigu dhigay London iyo Minneapolis baadan ku arag “youtube-ka”. Waa warey ! Soomaali oo dhan baaba ii soo shirtaye oo iigu ducaysay in aan ku guuleysto jagada madaweynanimada soomaaliya. Kama- aadan arag shabakadaha warbaahinta?

TIMIRO:Ma Wallahi?Oo walaalow ma ka bixi kartaa howshaas, haddii logu doorto?

SAHAL:Oo maxaa dhacay! Kuwa hadda jooga miyaan ka liitaa?

TIMIRO:Walaal ma liidashaan ka hadleyney mise wax qabad iyo kuwaan jooga cid dhaanta ayaan raadineynay kuna ducaysaneynay?

SAHAL:Walaal Timiro raggaan yaacaya oo dhan oo madaxtinimada raadinaya waxay u wada soocdaan dhadhamo iyo hunguri kuwaas-baana ka mid ahay. Haddi aan Ilaahay kuu gargarilahayn oo dhanna ganacsi-baad suxulada ka leeftaa sida iiga kaa muuqata dhan NGO baa tuubo idiin ku jirta, carrurtiniina waydinkaas jamicadaha u kala diray. Waxaan huba haddeydaan daqkhli fiican helilahayn inaad wadaadkaaga Xareed ku boorin lahayd in uu is-sharaxo.

TIMIRO:Inaga daah waxaase, bal reekii iiga waran: Carrurti jamicadaha ma dhammeyeen, Holland baanse 10 sano ka hor idin ku maqlaye, goormaad Ingiriiska u soo guurteen?

SAHAL:Walaal Xiddo iyo anigu waan kala tagney marka ayada iyo gabdhihiina weli Holand-toodii bay degganyihii walishiina labona xabsi bay ku jiran midna sannad-kii hore baa lagu dilay Ingiriiska oo aan degganayn todobadii sano ee u dambeysay. Wax jaamicad ka baxay ilmo Sahal, gabadhii ugu yareyd baan u maleynayaa inay sannadkaan ka baxday.

TIMIRO:Oo walaal dad fiican baad ahaydeen adiga iyo Xiddo ee habaarku xagge idiin ka yimid?

SAHAL:Markaan is weydiiye waxaan u maleynayaa Dakaddi aan madaxda ka ahaan jiray baa nala ka raacay.

TIMIRO:Salaamaad. Waan maqalay caruur badan oo dagaalada sokeeye lagala cararay oo dhulalka reer galbeedka ku xumaaday, xabsi iyo dil badanina aafeeyey. Allaw nabadbaadi! Isha dadka loo kala eexdo iyo xoolaha ummadda midna lagama nabadgalaa la-yiri. Hadii aysan adiga ku aafayn, dhashaadey u gudubtaa oo dhaxalkeedaad maasha. Marka walaalow hadii aad sidaas aamin-santahay oo amuurtu furdadii ka soo-jeedo, maxaad uga raadineysaa wali hunguri xoolaha dadweynaha, maxaa yeelay sidaad hadda ii caddeysay oo aad madaxweynaha u raadineysaa waa tabcasho. In masruuf-ahaan kugu filan malaha Ingiriisku waa ku siiyaaye maad meel fariisatid oo dambi dhaaf iyo caffis Ilahay ka dalbatid oo meel cibaado la fariisatid.

SAHAL: Timiro, ma xoolo xalaala baad cuntaan idiga iyo Xareed? Horeyna waan is-ogeyn, hattan ganacsi xaaran ku dhisan iyo NGO aan wada ognahay in lagu boobo xoolaha addunyadu Soomaalida ugu deeqdo yaad walaaqataan.

Diiriye Hingo oo aan meesha laga filayn ayaa intaysan Timiro jawaabin, sawaxan salaani ku dheehantahay medashii la soo galaay. Wuxuu Diiriye Hingo sheeda ka aqooday Sahal oo aysan muddo dheer is arag iyo Timiro oo ay laba bilood is-mooganyihiin. Diiriye Hingo is-ma- lahayn wadada Accra road oo uu doonayey inuu uga talaabo River road isgoyskoodaad ku arkidoontaa asxaab hore. La yaabse maleh in aad kula kulanto Xaafadda Eastleigh (islii) ee Magaalada Nairobi, Kenya saaxiibo iyo dad aad macruuf ahaydeen oo muddo dheerna isugu kiin-dambeysay.

Salaantii iyo is-bogaadintii carcartii hore markay dhammatay ayaa Diiriye Hingo oo aan wararka la gabbani ku soo booday:

DIIRIYE HINGO: Sahal, waan arkay xafladaha la-gugu caleema saarayo. Anigu shabakadaha warbaahinta kama baxo oo76da shabakadoodba ilaa aan isha wada mariyo ma seexdo habeynkii ee adigu “Kategorigee” geleysaa ragga Madaxweynaha isu sharraxaya, saddex bay u qeybsanyihiini:

·       Kuwo waxay u socda:Ku qabso ku qadi meyside.

·       Kuwo kalena: Waa dhedhenshaa waalan dhergaana ka daran.

·       Iyo kuwo saddexaad oo aad u yar: Oo aragti dheer leh oo Isbadal raadinaya.

 

TIMIRO: Diiriye Hingo, walaalow noo jilci saddexdaa qaybood, waaba arrin waangsan in aan raggaan tartamaya midwalba khaanad geline.


 

Waxaa dabasocda qeybtii labaad.
[email protected]



 





Click here