fiogf49gjkf0d
Inj. Maxamed Cali Cibaar
Sunday, May 11, 2008
Marka dib loo milicsado taariikhaha dhow, illaa iyo markii ay xornimada qaadatay Soomaalidu, sanadkii 1960kii, ayna midoobeen labadii gobol ee Waqooyiga iyo koofurtu, waxaa lagu hayay jillaafooyin ka imaanayay dowladaha gobolka iyo quwado kale oo waaweyn. Waxaana la rumeysanyahay in hagardaamooyinkaas la dardargeliyay wixii ka dambeeyay dagaalkii Soomaaligalbeed ee ay Soomaalidu sanadkii 1977kii la gashay, kuna jebisay, gumeysiga Abasiinya. Waqtigaas oo uu cadowga umadda Soomaaliyeed ku baraarugay awoodda aan la dhayalsan karin ee ka soo muuqatay Bariga Afrika.
30kii sanadood ee u dambeeyay waxaa ku socday Umadda Soomaaliyeed, baab’in arxandarro ah oo loo adeegsanayay gacmo Soomaaliyeed iyo kuwo shisheeye intaba. Waxaana la dhihi karaa guud ahaan geyiga Soomaaliyeed ma jiro gobol iyo guri aan dabkii la shidayay gaarin, goortu haba kala duwanaatee. Ugu dambeyntiina, wax marba dabin la soo maleego oo maalinba ay meel soo joogto,waxaan maanta markhaati ka wada nahay xaalad musiibo oo aad u murugo iyo xanuun badan badan.
Gumeysigii Abasiinya oo ahaa cadowgii uu muddo qarniyaal ah loollanku naga dhaxeeyay ayaa maanta ka arriminaya guud ahaan gayiga Soomaaliyeed, si toos ah ha uga taliyo amaba si dadbane.Wuxuuna muddo 500 oo maalmood ku dhow gacanta ku hayaa Qalbigii qaranka Soomaaliyeed, oo uu calankiisii ka dulbabbanayo, xasuuq nooc walba ahna uu ka geysanayo, isagoo ay arrinkaas ku gacansiinayaan, calooshooda u shaqeysteyaal Soomaali ah iyo qowado kale oo shisheeye oo dano aan sahlaneyn ka leh deegaankeenna.
Gabayga Qaylodhaan, oo ka dhashay fikir ku wajahan arrimaha aan soo xusnay,
wuxuu ka hadlayaa waxyaalihii sababay silica maanta lagu suganyahay. Waxaa kale oo uu gabaygu xambaarsanyahay digniin culus oo tilmaameysa in haddii aan lala imaannin dadnimo uu xaalku meesha uu maanta taaganyahay aad uga sii xumaan karo. Wuxuuna ugu dambeyntii gabaygu soo gudbinayaa talooyin ku wajahan, qaababka looga dabaalan karo musiibadaan qarada weyn iyo qaranjabkaan nagu dhacay, Rabbi ha na dabaqabtee.
Gabayga Qaylodhaan,wuxuu ku bilaabmayaa:
Qalbidhagaxey Soomaaliyey qaafil baad tahaye
Qeyrkaa inaad u hormartoo qaddarin aad mudato
Qarannimo qofkii kula jeclaa inaad qurxoonaato
Qabri wuxuu la galayaa hungoo iil adow qodiye
Quraan iyo xadiis kuma kariyo qawl indheergarade
Qolof daxala iney fuushay iyo qallashay mooyaane
Laabtaadu qoyi mayso oo wey qarribantahaye.
Waa seef qurgoysaa la yiri quud xun kii jecele
Shacbiyahow qaloon lagu go’oy qabato hoos taallo
Qirshi baad caqligii siisatiyo qarash aan buurneyne
Garashada qolkii lagu ogaa quful lagaa saarye
Qalalaase lagu baabi’iyo qax iyo guurguurid
Qubqac iyo colaad waxan aheyn kuma qabowshaane
Haddaad qiiro weli leedahood dhab u qushuuceyso
Qaraar haba ahaatee runtaan soo qaddimayaaye
Qaylodhaanta u dhug yeelo iyo qatarta soo fool leh.
Qorraxdii aroor soo baxdee uu qaddaro Eebe
Maalinba qisey leedihiyo qasnado taariikhe
Quruumuhuna kuwo qorboshayoo qarfe ku diifeysan
Iyo waa dar quwad sheegta oo qooq u hodayaaye
Adigana Quraanshoy haddaan taada qiimeeyay
Qaacidada nacabkana dersiyo qidadda aad moogtay
Waxa dhagar qamiir kuu aheed qarsin ku fuuqeyso
Cudur lagu qombobo iyo waxaad qaaxo boobeyso
Adigoo quxuxuu lahoo qufac la luudaaya
Ma-naxaan qadaadkiyo aduu qoobka kaa jiidi
Oo lagu qadaanqutinayoo qardadaxleynaaya
Qow inaad ka duushaan ka baqi qar iyo haadaane.
Taariikh qaddiimoo fog iyo garasho qaangaar ah
Qab waxaad laheyd beri awood quusin cadowgaada
Iyo qulubka waayahan ku galay qayirka kaa muuqda
Qoborradaad ka soo jeeddo iyo qurunka kuu huursan
Qolo-Laandkanaad ku digrisiyo kala qannaaskaada
Qalaanqalka lagugu beerayiyo qabyo ku faankaada
Quushaashaa inaad caashaqdiyo quursi iyo liidid
Oo qabbaanku ku hoggaamiyiyo qaa’inkiyo tuuggu
Qabanqaabaduna saaka tahay Qandhicilley kaalay
Qaadan waayay qowsaarnimiyo qaabdarradan taalle.
Qasdilaayey adaa qabi ah oon qaddiyad leyne
Adigeys qonfaayee qaniin kuma haweysteene
Qarbudaadda adigaa ka hela qabarka dhiilladaye
Sida caanihii kuwa qurqurin dhiigna ku qubeysta
Qaatiliin intaad dabatubnayd qabqable haamaan ah
Qaadicul-dariiqyada intaad qiil u bixinaysay
Qaballuus habaarqaba intaad burcad qaliifeysay
Ood qumayga awliyo laheyd quuta xaaraanta
Intii uu qisaas kii mudnaa hagayay qaanuunku
Waa qarracan waxaad dhaxashayoo dhaayahaa qiriye.
Ummadyahay qabiil caabbud iyo qadaf ku naafeeye
Qamrigii sidiisoo kaluu qasay dareenkiiye
Waa kaa sidii aad qac tahay qallibay maankiiye
Qarjac-qarjac hadduu xaal tagoo laysba qalanaayo
Haddii uu dugaag baahi qaba kugu qamaamaayo
Ood eeyo qadadooda tahay qarjamsan meydka ada
Bisadana quraac kaa dhigteen qanjir aan reebeynin
Oo haadda soo qaraabataa gawin qalfooftaada
Dhibaatada qarada weyn miyaan laba qiyaasaynin?
Qayilaad miyaan laga koreyn qaadka cuniddiisa?
Qiiliyo waqaaliyo miyaan qaylo laga daalin?
Culimadu miyay wixii qaldamay qunyar tilmaameynin?
Abwaannadu miyay qarinayaan xaajadaan qaawan?
Qaanadaha tujaarta leh miyaaney shilinba quureynin?
Janannadii ma waxay qaayibeen qoorta laga fuulo?
Qaaraan mariidliyo in aad qamadi soo tuugto
Qaxootiga haddaad doorbiddiyo qurbe ku noolaansho
Ama aad qaneecaba ku tahay qaadumnimadaada
Qaxar lacag ah iyo waxaan arkaa gunnimo qaali ahe
Qorsheyaal halagaa jiroo la isku qayrayne
Baarliin kuwii nagu qurbaye dorraad na qeybqeybshay
Qabridaharre kuwii shalay dhiciyo qasriyadii Adari (Harar)
Kuwii qalinka en-ef-dhii (NFD) ku xadee Kiinya qabadsiiyay
Ee Jabuuti danab qulqulayiyo silig ku qoolaabay
Maantana qalqaaladey wadaan waxa la qoondeeyay
Dabinnada qotada dheer lahoy qubaro kuu daahi
Qandaraasku waa labadi haray qataliddoodiiye.
Qaalin geela oo waa la dhacay laba is-qaareysay
Qarjaruufo waxaan dhaaminoo qoysas kala gaaray
Adna godobsokeeyood quftaad qumani mooddaaye
Ma huraan qaraabo ah intaad deriska qoomaysay
Qoqob iyo intii aad Warmoog qashin u heeseysay
Oy quracyo isku tookhayeen qoryo abaareystay
Ku qamaartay nabad iyo samaan lagu qaxweeyaaye
Faa’iduu qilaaf dhalo haddaad qandi u hoorhoorsan
Qibladaad ku socotaahi wey ila qalloocdaaye
Qalbiyada la dhaawacay intaad ka dhaqdo qaanjeerta
Danta guud inaad u qunto ood qanacdo yaa roone.
Ilmo uu shallaay kaa qubiyo inaad qamuunyooto
Iyo qosol marbey simanyihiin oy ku qadiyaane
Waanada haddaad qushi tiraa Qoolaney talada
Qarni inaad dulleysnaato iyo qoomamaa xigiye
Inta aan qariidaddoo bedelen qayax wax loo sheegin
Qaaradda dalkaan la eg intaan qowlad laga waayin
Oon Quddus sideedii dhulkii qoom kaleba yeelan
Adiguna qariib aadan noqon ku dhex qaloonaaya
Sida Qasaa intaan niman qalaad jiidan qalanjooyin
Oon ubadka la qafaalayaa xabsi ka qaaqleynin
Inta aan masaajidda qataar weyn qab lagu siinnin
Oon diinta qodob lagu xarrimi qaalli ku dhawaaqin
Qaramada midoobana hadhow qasab ku taageerin
Qaalis Muslim ah haddii aad tahood Qani ka yaabeyso
Ood naar qaxeysoo ka biqi laysku quminaayo
Qabyaaladda ka dheerow intii mabda’ qurraafaad ah.
Qaafleyda gabayga ah haddaan soo qatimo caawa
Qawi tiisa lama baajin karo sheyga kuu qorane
Inkastoo ay qaflad nagu hayaan quwado soo duulay
Oy qamarka heehaabiyoy quusi badaheenna
Hubka qananaxleeyana berriga qiiq ka kicinaayo
Mar haddii Jihaad loo qumoo laysku qalabqaato
Mujrimiinta wadnahaa qarrari oo qandhaa diliye
Goorta laysku qaabilo dagaal wey qarqarayaane
Qumbulado waxaa uga darnaan qaanso iyo leebe
Quruuruxan ku tuurtuureynaa qarxin Insha-Allaahe
Ha qalqalina Weynaha dad qiray kuma qasaaraane.
Rabbigii fircoon iyo qarqiyay boqorro Qaaruun leh
Abrahana shimbirihii qabdhabay ku diray qoolleyda
Oo Namruudkii qalcadaha lahaa ku qahray hoygiisa
Qafuur iyo Qudduud iyo Qudduus Qaaliq iyo Qaafir
Qayuum baan ku dhaartaye kuwaan kibir is qaadqaadi
Qulhuwalle haddey diidayaan Qaaddir amarkiisa
Waxay qooshayaan waa sun ay qalaf ku leeyiine
Qaaddadana annagaa u dari oo ku qalam siinnoo
Qaanteennii wey hunqaacayaan qaras ka sii dheere
Ha qalqalina Weynaha dad qiray kuma qasaaraane.
Ha qalqalina Weynaha dad qiray kuma qasaaraane
Ha qalqalina Weynaha dad qiray kuma qasaaraane
Ha qalqalina Weynaha dad qiray kuma qasaaraane.
- Halkaan ka daawo jabkii Gumeysiga Abasiinya 1977kii !!!
Halkaan ka daawo xasuuqa uu maanta geysanayo cadowga Abasiinya !!!
Inj. Maxamed Cali Cibaar
[email protected]