4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Dood Qaran Qaybtii III
Qore: Cabdulqaadir Aaden Maxamed "Jangeli"
Thursday, July 05, 2012

Akhriste qaab qoraalkaan waxuu u sameysanyahay sidii riwaayad haseyeeshee wuxu ku saleysanyahay dood qaran oo muujineysa xaaladdaa Soomaaliya, wuxuuna ka koobanyahy qyebo taxane ah oo labo ama saddex bog ku soo baxaya marwalba. Magacyada aad halkaan ka akhriyidoontid qaarkood waa sarbeeb ka soo jeeda magac qof jira.

DIIRIYE HINGO:Timiro, Intaanan qeybta saddexaad u gelin aan makhaayad halkaan ku taal ka casheyno, saahiibkeen Sahal-na waa kan degdegsan, mana kala tegikarno casho la’an haddikale waa inoo gabyi-doona saxiibkeenna annaan muddo arag, mucaarad-na aad-moodid in aan kunahay barnaamijkiisa madaxweyne isutaaga.

SAHAL:Nin-weyne wadki waa yaqaan! Walle intaan idin-ka dhaqaaqaan berina idiin gabyi lahaa haaddaadan saas ku dhawaaqi-lahayn.

TIMIRO:Sahalow, Diiriye Hingo, dadku waa waalanyahay bay yiraahdaan lakiin waxaan anigu aaminsanahay in Ilahay garad iyo caqli ku manneystay.

DIIRIYE HINGO:Timiro, walaaley ma waali is-buufis keenay-baa la igu sheegaa?

TIMIRO:Maya, Maya Xaasha! Adiga iyo is-buufis kala dheeridin. Runta ayaan dadku jecleyn adna wax ma qarisid, siiba markaad hortooda ka caddeysid waxay walaaqayaan ayey dadku waali kugu tilmaamayaan.

DIIRIYE HINGO:Waad-asiibtay!Ina soo dhaqaajiya maqaayaddu waa dhawdahaye oo laba tilaabay noo jirtaaye.

TIMIRO:Ma-waxaad noo wadaa middi halkaan, River Road-ka ku taalay ee dhimatay?

DIIRIYE HINGO:Ma dhimane mid aan qaraabo nahay baa-leh oo waa fiicantahay!

SAHAL: Ma qaraabo-kiil-baa balaayado! War meel nadiifa oo cunno fiican haddadan nageyneyn anigu cunnadaada ma rabo. Cay iyo cunno xumi isagu keydarimaysid maantay.

DIIRIYE HINGO: War Isli (Eastligh) meel nadiif ah ka helimeynee oo waaba waxay caanka kutahay, meeshaan qashinkaan weheshaanaaye ina-keena makhaayadda aadne.

TIMIRO:Diiriye, walaale taksi baan qadaneynaa waxaana adaynaaWasannii Restaurant.Taksiilayda halkaas taagan yaan mid ka qaadaneynaaya ee inaga-daah maantay Makhaayaddina.

DIIRIYE HINGO: Wasanii! Wasanii, Makhaayaddan magaca xuni xagge ku yaala? Magaalada in aan kala aqaan baan modayeye tanise waa ii gooysaye?

TIMIRO:kkkk waa runtaa oo magaceed xun waa laysla arakay lakiin aad bay nadiifna u tahay cunnadiiduna waa heer-sare. Waxay kutaala Harry Thuku Road.

Daqiiqad waxaan dhammeyn bay soo socdeen ayaga oo soo laba lixaadsaday ayana Sahal iyo Diiriye Hingo-ba ka yaabeen siday Timiro saanta u boobtay. Markay Taksigii ugu horreyey la soo istaagaan ayaa Timiro kula hadashay Taksiilihii af Sawaahili.

TIMIRO:Afetrnoon nzuri, kuchukua sisi tafadhali mgahawa Wasanii. (Galab wanaagsan! Fadlan na gee makhaayadda Wasanii).

TAKSIWALE:Ndiyo, bibie. Je, ni Wasanii mgahawa juu ya Harakisha Thuku Road? (waa yahay murwee, soo Wasanii-da kutaal wadada Hurry Thuku ma’aha)?

TIMIRO:Ndiyo, wewe figured! (Ha, oo waad garatay).

DIIRIYE HINGO: Intaan dhulkaan joogay, Timiroy ma’adan joogin haddan waan ku arkayo sidaad Sawaxiliga ugu hadasho uguma hadli karo anigu

SAHAL:War waa meelwalba. Dumarkii iyo carrurtii qolakasta oo ay uu tageen afkood hal sano intaysan joogin bay tururixiyaan: War rag waa jibay oo ragga Waqooyiga Amerika (USA iyo Canda) iyo England tagay baaba la qaatay oo afka Ingiriisa iska jajabsade, qolooyinka afkooda raggi la soo marinwaayey waa: Dutch (af-Netherland), Finish-ka Swidish-ka, Norwigian-ka, iyo kuwa qonkaas la hal maala oo dhan. Maxaa is-buufis-ka ragga ugu dhacay baad leedihiin. Raggi aad buu isula yaaryaraaday oo markii caruurtisii iyo xaasaskey qabeen afkii dalka ay sifiican ugu hadlyaan ayana howlgal iyo shaqo meel iska dhige aysan suuqaa wax uga soo iibsan Karin in caruurtoodu iyo xaaskoodu u turjumaan mooyaane.

TIMIRO:Walaale, waa wax-walbee afka keliya idiin kama wanaasanin ee waysan idin geleyn oo ma qaadan karatan in aan idiinkaga fiicannahay waxwalba. Miyaadan maqal odagii yirin: war yaa afar wiil hal gabar iigu badalaya!?

TAKSIWALE:Tumefika mgahawa Wasanii. Tafadhali exit upande wa kushoto wa teksi. (Waan nimid makhaayadii Wasanii. Fadlan ka degta dhinca bidixda ee taksiga.)

TIMIRO:Asante, Hapa ni nauli yako na Hifadhi mabadiliko (Mahadsanid, lacagtaadiina waa tan ee googo’ana iska hayso).

TAKSIWALE: Asante sana na Mungu akubariki you (Aad baad u mahadsantahy Ilaahay-na ha ku barakeeyo).

DIIRIYE HINGO:Wallahi waa ka dhaceysaa makhaayaddan, lakiin anigu maryooleydaan u eexiyaa lacgta, oo waxaan is-iraahdaan intii belo cuni-lahayd Cali ha beeseysto.

TIMIRO:Waa runtaa oo amba waa ku fakaraa in aan u eexiyo Soomaalida lakiin nadaafad xumi ayaan loogu dhawaaneyne oo dad sharfleh lama geynkaro makhaayadaha Soomaalida.

SAHAL:Anigu meelaha ay Soomaalidu ugu badantaahy oo ay ganacsiga ka bilaabeen oo dhan waan tagay. Dowr arrimoodna way ka simanyihiin kuwaas oo inta ay ku jiraanna ganacsigoodu usan horumar lataabankaro gaaridoonin.

DIIRIYE HINGO:Oo maxaa ka mid ah arrimahaas, waaba ladanyihiin baa la yiraahdaaye dadka gancsiga dabadaha ka bilaabaye?

CUNTO BIXIYIHII MAKHAAYADDA: Marafiki zangu naweza kupata wewe kama chakula? (Saaxiibayaal, maxaan cunno idin siiyaa)?

TIMIRO: War horta aan cunnada dalbanno, ninkaan na kortaaganna aan iska dirnee.

DIIRYE HINGO:Waayahaye, adigu noo dalab mishaan waxa laga cuno manaqaane. Ama iska daah aniguba maan sheegto intaas waan ka adkahayey! Nataka kondoo kiweo na mchele. (waxaan rabaa cad hilab ari ah oo laftii leh iyo bariis). Waxaan lafta u dalbaday mataqaaniine, hilib yaanyuur ama ay in la-ii-soo jarjaro ayaan ka baqaa hadaan tago makhaayad aan soomaali lahayn kkkk.

TIMIRO:Utupe paltes wawili wa chakla mchanganyiko na chumba maji temprature katika chupa. (Laba saxan oo cunno isku qasan ah iyo biyo aan qaboobayn oo dhalo ku jira nookeen).

CUNTO BIXIYIHII MAKHAAYADDA: Ok marafiki zangu. (waayahay saaxiibayaal).

TIMIRO:Maxaad tiri Sahal? Waxaad waday in aadan u bogin ganasiga soomaalidu waddamada Yurub iyo America ka sameeyeen!

SAHAL:Haa, oo dowr arrimood dartood inta badan soomaalidu ganacsigay ka furteen wadamada qurbaha uma eka mid aflixikara. Waxaanna ku salaynayaa arrimahaan soosocda:

1) Xaafadaha baddankood ku yaaliin darted.

 2) Joogtayn-laida nadaafadda goobta ganacsiga.

3) Waxay gaddaan oo xaddidan oo kulliood isku mid ah.

 a) Hadday makhaayad tahay: Hilib iyo bariis

b) Hadday dukaan tahay: Dhar iskuwadamidab ah oo foolxumo miiran ah.

c) Hadday cunno tahay: Kulligood xalaal meat.

d) Hadday xaafistahayna : Internet iyo phone card

Intaas wax dhaafsiisan mahayaan ugumana talagalaan in ay wax ka gadaan malaayinta dariskooda ah aanse Soomaali u dhalan. Carruurta soomaalida ee beri wax gedanlahaydna waxay la dookh-yihiin maliyiintaas ingiriiska ama ameerikaan-ka ah oo waridkood la dookh noqonmayaan taas oo la odoorosikaro in ganacisigoodu la dhimanayaa dadka waaweyn, mar haddaan jiilba jiil u siigudbinkarinna ganacsigaasi mustaqbil mallaha.

DIIRIYE HINGO:War-heedhe Soomaalida ganacsiga iyo hadlka bay ku fiicanyihiin baa la yiraahdaaye xagee adugu ka aragtay?

SAHAL:Hadlkoodu iyo ganacsigooduba wuxuu ku kooban yahay ayaga dhexdooda. Cidkale warkoodu ma gaaro ganacsigooduna ayaga ma dhaafsana. Ganacsiga meeshay ka joogaan horaan kuugu sheegay, warkoodana, bal u fiirso buugtay qoraan oo hadda aad u soo battay waxay qoraan warka xaafadda ma dhaafto Nuuruddin Farah mooyaane, Nuruddin-na dad caadi ah wax uma qore, qolada Shakespeare ka aflaxday keliya ayuu wax u qoraa, marka asna dadka buugtiisa akhriyaa waa koobanyahay.

DIIRIYE HINGO:War yaa Ilahay yaqaan! Ma waxaad Soomaalida ku caayeysaa in ay ayagu wax isu qoraan ama kala gancsadaan?

TIMIRO:Maye, Walaal ula jeedadiisa garo. Wuxuu ka hadlayaa in qurba joogtu ganacsigooda iyo buugta ay qoraan-ba Soomaalida keliya ku koobbaan oo aysan ganacsigood iyo figradahooda midna u gudbin ummadda ay dhex-degganyihiin ee ay ku ekaadan affarta qoys oo Soomaalida ah.

DIIRIYEY HINGO:Sahal, ma wuxuu naga dhaadicinayaa inta makhaayad ku taal ingiriiska iyo mareykanka mid nadiif ah laguma arko?

SAHAL:Maya, maya kumalihi kulligood waa xunyihiin oo waxaan kuu magacaabikara dhowr makhaayadood oo cunno wanaagsan kariya, sida:The Villageoo Landon, UK ku taal iyoAfricanooo Seattle, USA ku taal. Sidookale waxaa nadaafadoodu aad u her-sarreysaaJubbaoo Seattle, USA ku taal iyoIdmanoo London, UK ayna ku taal. Marka wayjiraan kuwo wanaagsani sida kuwaas aan xusay ee waxaan ka hadlaayaa intooda badan.

TIMIRO:War meesha naga keen waa saacad-dambee. Halkaan wakhti horaa lakala hoydaaye!

SAHAL:Oo goormuu noo sheegayaa Diiriye Hingo qaybtii saddexaad ee Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya?

DIIRIYE HINGO:Barri Allaha nagaarsiiyey haddeer muran ma bilaabi karne!

Waxaa dabasocota qyebtii Afraad oo Jamcaha Luulyo 13ka soo baxidoonta.
[email protected]

 



 





Click here