4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Daljir Forum is Appalled by Augustine Mahiga’s Reckless Statement

Daljir Forum
Sunday, March 04, 2012


Ala-Sheikh group, they are not different than Shabaab
Daljir Forum is appalled by a statement made by the UN Secretary General’s Somalia Representative, Ambassador Augustine Mahiga.

In a recent interview with Somalia Report website, Ambassador Mahiga questioned the fundamental tenets of the Somali people: Islam and Somali Nationalism, and questioned the viability of Somalia as a nation-state.

Uncharacteristic of his diplomatic position he insulted the Somali Parliament, the Somali Presidency, a former Somali Prime Minister, Daljir Forum and more importantly the Somali people.

In an interview titled “Chatting with Mahiga”, the ambassador said that, “There is a palace coup that has taken place in Villa Somalia.” He asserted that the “Ala-Sheikh group” took over the Somali Presidency. He further claimed “…they have just created a forum [i.e. Daljir Forum]… an Islamic organization which they are going to transform into a political party.” He then went on to say that “They are not very different than the Shabaab, except that they don’t take up arms.”

advertisements
Equating a peaceful political platform, whose stated mission and vision is to foster a healthy debate among Somalis on pressing national issues, to a violent, extremist group is profoundly injuring.

Daljir Forum is created by Somalis of all walks of life on February 14, 2012.  The Forum exists to cultivating the unity of the Somali people and safeguarding the national interests of the Somali Republic. The forum strives to establish a vibrant and spacious political space in order for the Somali people to freely and in a spirit of brotherhood consult, discuss and debate all the issues of national importance. The forum endeavors the ending of the prevailing yet unproductive political culture of confrontational politics, short-sightedness and intolerance towards others. Daljir Forum envisions the ushering of a progressive political environment where energized and integrated Somali citizens formulate shared national vision.

Daljir is led by former the Somali Minister of Information, and his Deputy is a former Minister of Justice. Former Minister of Information, Post and Telecommunication is its Secretary General. Among the other founders of Daljir Forum are renowned Somali intellectuals, former ministers, Members of Parliament, Civil Society leaders including youth and women’s groups – all outstanding patriotic citizens who have sacrificed a lot and played a pivotal role in the liberation of Mogadishu from Al Shabab when Mahiga was in Nairobi and refused to move to the Somali capital.

In another insulting statement, Mahiga characterized the honourable members of the Somali parliament as “warlords and spoilers,” and threatened to submit their names to the International Criminal Court for prosecution.

In making such frivolous statements, Mahiga has voluntarily relinquished his role as the intentional community’s top peace mediator. His repugnant remarks will effectively render him unfit to facilitate reconciliation among competing groups and warring factions as he has forcefully injected himself into the political foray.

For all practical purposes, ambassador Mahiga has lost the trust and respect of the Somali public as he harbors extreme ideologies that are unbecoming for a diplomat let alone Secretary General’s Special Representatives.

“Mahiga breached all acceptable diplomatic norms and went out of his way to falsely claimed that there was a coup in the Somali Presidency,” Abdullahi Abyan Nur, former Minister of Justice and the Vice Chairman of Daljir Forum said in a media statement.

“Mahiga is exhibiting exclusionary and demonizing politics, this is not acceptable.” said  Dahir Mohamed Gelle, Chairperson of Daljir Forum.

Contact: [email protected]


Madasha Daljir Waxay Ka Xuntahay Dhaleecaynaysaana Warkii Mahiga


Kooxda Ala-Sheikh kama duwana Al-Shabaab
(Muqdisho, Soomaaliya – 4 March 2012) Madasha Daljir waxay ka xuntahay isla markaana dhaleecaynaysaana hadalkii meel-ka-dhaca ahaa ee ka soo yeeray ergayga gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qarammada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Augustine Mahiga.

Waraysi uu dhawaantan Mahiga siiyey barta internetka ee Somaliareport.com, waxa uu su’aal geliyey mabaa’diida aasaasiga ah ee Soomaaliya sida diinta Islaamka iyo waddaniyadda, isaga oo su’aal geliyey suuragal ahaanshaha in ay Soomaaliya u sii jirto sidii dowlad qaran ah oo shaqyn karta.

In kasta oo ay tahay arrin aan laga filayn qof haya mansab diblomaasiyadeed, haddana Mahiga waxa uu meel uga dhacay Baarlamaanka Soomaaliya, Madaxtooyada Soomaaliyeed, Raisul-Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Madasha Daljir & weliba ummaddaa Soomaaliyeed.

Waraysigan oo cinwaankiisu ahaa, “La Sheekaysiga Mahiga,” wuxuu yiri, “Inqilaab ayaa ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya.” Wuxuu yiri “kooxda Aala Sheekh" ayaa qabsatay Madaxtooyada.

 Isagoo ka hadlaya Madasha Daljir, wuxuu ku andacooday, “waxay abuureen Madal …ah urur Islaami ah oo ay u rogi doonaan xisbi siyaasadeed.” Wuxuu intaa ku sii daray, “kama duwana Alshabaab laakiin hub ayaysan qaadanin.”

Madal si nabad ah siyaasadda looga hadlo, oo hadafkeedda iyo hiig-sigeeduba yahay in ay bulshada Soomaaliyeed u fududayso kuna dhiiri geliso, in ay wadahadal caafimaad qaba ka yeeshaan qaddiyaha waaweyn oo qarankooda horyaalla, in uu Mahiga la mid dhigo koox xag jir ah, oo dhiig daadinaysa, waa meel-ka-dhac xadka ka baxay.

14kii February 2012, ayaa muwaadiniin Soomaaliyeed oo kala duwan waxa ay aasaaseen Madasha Daljir. Madashu waxay u taagan tahay kobcinta midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo ilaalinta danaha qarankooda; waana madal abuuraysa jawi furfuran si ay dadkeennu uga gudbaan qoqobnaanta fikirka iyo macangaggnimada ayna ugu suurto gasho, in ay ka tashadaan, ka wadahadalaan, kana doodaan arrimaha murugsan ee ka jira dalkeenna. Jawigaan wuxuu dhallinayaa xaalad ummadda Soomaaliyeed ay ku yeelato aragti midaysan, is-dhexgal bulsho iyo is-fahan, loogana gudbo dhibaatooyinka siyaasadeed, dhaqan iyo bulsho ee ka aloosan geyigeenna.

Madasha Daljir waxaa hoggaamiya Wasiirkii hore ee Warfaafinta ee Soomaaliya, waxaana ku xigeen u ah Wasiirkii hore ee caddaaladda iyada oo Xoghaye Guud uu u yahay Wasiirkii hore ee Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta.

Aasaasayaasha Madasha Daljir waxaa ka mid ah aqoon yahanno magac leh oo Soomaaliyeed, wasiirro hore, xubno baarlamaan, madaxda bulshada rayadka oo ay ku jiraan haween iyo dhallinyaro – kuwaas oo dhammaantood ah waddaniyiin sumcad leh oo naf-hurnimo u sameeyeen kaalin mug lehna ka qaatay in Shabaab Muqdisho laga xoreeyo, xilligaas oo Mahiga uu Nairobi fadhiyey laguna kari waayey in uu caasimadda xitaa hal habeen ku hoydo.

Hadal kale oo gaf ah, isaga oo Mahiga ku hadlaya, waxa uu Xildhibaanada Soomaaliya ku tilmaamay in ay yihiin, “dagaal-oogayaal iyo qas-wadayaal,” waxa uuna ugu gooddiyay in uu ka diiwaan gelin doono Maxkamadda Danbiyada Caalamiga si loo maxkamadeeyo.

Maaddaama uu Mahiga ku hadaaqay hadala aysan xambaari karin xafiiska iyo xilka weyn ee uu hayo, asaga ayaa iskiis isaga dhiibay masuuliyaddii weyneyd ee bulshada caalamku u xil-saarteen ee ah heshiis raadiyaha ama nabad doonka Soomaaliya. Warkiisa af-lagaadada ahaa ayaana ka dhigaya mid aan dib-u-heshiisiin ka dhex keeni karin kooxaha Soomaaliyeed ee tartanka siyaasadeed ama colaaddu ka dhex jirto, maaddaama uu isagu qayb ka yahay hardanka siyaasadeed.

Marka dhan kasta laga eegana, Augustine Mahiga waxa uu dhummiyey kalsoonidii iyo xurmadii bulshada Soomaaliyeed, maaddaama ay caddaatay in uu yahay nin xambaarsan fikrado xag jir ah, aanna ku haboonayn diblomaasi – iska daa, wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay.

“Mahiga waxa uu jabiyey xeerarka u yaalla diblomasiyadda, waxa uuna gaaray in yiraahdo Madaxtooyaddii Soomaaliya afganbi ayaa ka dhacay,” ayuu yiri  Mudane Cabdullahi Abyan Nuur, oo ah Wasiirkii hore ee Caddaaladdaee Soomaaliya haddana ah ku Xigeenka Madaxa Madasha Daljir.

Mudane Daahir Maxamuud Geelle oo madax u ah Madasha Daljir ayaa isaguna raaciyey, “Mahiga waxaa ka muuqda takoor siyaasadeed oo waliba huwan saansaan diimeed mana aha wax sax ah ama wax uu xaq u leeyahay.”

La soo xiriir: [email protected]



 





Click here