4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
DASTUURKA vs DANAHA GAARKA AH.

 Elmi Farah Nur (Webi)
Wednesday, May 30, 2012

 Hordhac

Marka ugu horeyso erayga dastuur waxa lagu macnayn karaa nidaam ama hanaan qeexayo qanuun iyo mabaadii lagu maamulo dal,gobol ama urur/hay’aad , micnaha ereyga dastuur waxa nooga iftiimayo lagama maarmaanimada in la helo sharcigii lagu dhaqi lahaa dalka Soomaliyeed mustaqbalka.

Intaasi waxaa dheer in ay tixgelin mudan tahay in shacbiga Soomaaliyeed yahay muslim oo ay waajib nagu tahay in an ku dhaqano shareecada Islaamka , qaanuun ama xeer kasta oo la sameynayo loo baahanyahay in uu waafaqsanaado diinta islaamka , damaanad qaadi karo (badbaadiinta iyo ilaalinta) midnimada dhulka ( xuduudaha), , nidaamka jamhuuriga ah, xuquuqda muwaadiniinta soomaaliyeed iyo dadka kale ee nagula nool dalka Soomalia,sidoo kale waa in aw qeexaa, sugo, qaabdhismeedka hay’adaha qaranka,waajibaadkooda iyo awoodaha ay kala leeyihiin.

 Waa in aan garwaaqsanaa in guusha dastuurka ama axdi kasta oo la sameeyo aney ku xirneyn oo keli ah tayada iyo nuxurka qormadiisa , balse ay ku xirantahay dacaadnimada, wadaniyada, aqoonta shacabka loo sameeynayo iyo awooda ay u leeyihiin in ay xushaan hogaan daacad ah  oo hogaamiya lana xisaabtami karaan.

Dalka waxaa soo martay dastuuro dhawr ah, sida kii1960kii, bayaanadii kowaad iyo labaad ee kacankii 21 oktobar, kii dabayaaqadii 80kii, charterkii lagu qoray Carte (TNG) iyo kii Empakasi(TFG), dhammaantood waxa ay wadaageen arimo badan inkastoo ay ku kula duwanaayeen xilliyada iyo nidaamyadii maamul ee jiray hadafkoodii.

Taasi waxey cadeyneysaa in waxii ka dambeeyey xoriyadii uu mar kasta dalku lahaa dastuur ama charter, waxaa kale oo la isku raacsanyahay in aan marna lagu guuleysan in si hufan loogu dhaqmo dastuurada ama axdiyadii jiray, Ku dhaqan la’aantoodu waxaay na dhaxalsisay xaalada uu dalka maanta ku suganyahay oo an qiyaas iyo cabiraad midna lagu sheegi Karin qaran -jabka dadka iyo dalka ku dhacay sababna ay u tahay doorka qabiilka, daneysiga iyo goboleysiga oo laga hormariyey qaranimadii hanashadeeda dhiiga badani ku daatay.

 Waxaa nasib daro ah in qarnigan 21 oo dalal badan oo aan wadaagin, diin, af, dhaqan iyo midab ay midoobaan iyaga oo uu arkay midnimadaas in maslaxadoodu ku jirto, Dhinaca kale shacbiga soomaliyeed oo hibo ebbe u siiyey in ay wadaagaan arimaha an kor ku soo sheegay maantay loo arkay waxa keli ah ee lagu gaari karo horumarkoodu yahay in loo kala qoqobo gobol-gobol qabiil ku dhisan, ayadoo uusan jirin waxa daraasad ah oo lagu sameeyey nooca dastuur oo looga bixi karo dhibaatada dalka iyo dadka haysato.

Doorka hoogaanka wanaagsan waxaa markhaati uu ah horumarkii lagu talaabsaday xiligii gobanimadoonka, qeybtii hore kacaankii 21kii oktobar iyo rajadii 6 bilood ee midawgii maxaakiimta islaamiga iyo mudadii koobnayd ee dowladii M. C .Farmaajo. Xiliyadaasi waxey noo cadeynayaan hadii lala yimaado daacadnimo in dalka dhibaatada laga saari karo.

Marxaladahii ay soo mareen dowladaha KMG iyo doorkoodii dastuur sameynta.

Waxii ka dambeeyey 2001 xiligii dawladii lagu soo dhisay Carte, dalka waxa soo maray xukuumado ay hogaaminayeen 3 madaxweyne, 7 R/wasaare iyo barlamaan tiradiisu u dhexeysay 275-550 xildhibaan.

 Xeerarka (Charter) dowladahaasi ku meel gaar ahi waxay qeexaayeen in dalka loo sameeyo dastuur kmg, hase yeeshee muddadaasi dheer wax weyn oo la taaban karo lagama qaban Sababta ugu weyni waxay ahayd khilaaf an dhamaad lahayn oo ragaadiyey in si wada jir ah u wada shaqeeyaan madaxdii ugu sareeysa qaranka iyo in an sharciga la dhawrin, laguna guul dareystay in sharciga lagu dabaqo dawladnimada laguna xaliyo wixii khilaaf ah oo ka jira hayadaha dastuuriga ah dhexdooda.   

 Khilaafaadkaas isdaba jooga ahay waxa ugu dambeeyey kii ka dhashay  kampala Accord 2011 oo sababna u ahayd mudo kororsigii dawlada dhexdeedu isku afgaran waysey. Garsoorkii IGAD waxa aw goaamiyey road map sabab looga dhigay 4 qodob oo aw ka mid ahaa diyaarinta dastuur kmg. Taasi waxay muujinaysaa in howsha dastuur sameynta oo lafdhabar u ahayd howlqabadka dowlada marka laga yimaado arimaha nabagdelyada in lagu soo bararugay xili mudadii dowlada gebogebo tahay. 

         Xaladahaas kadib waxa soo if baxay arimaha hoos ku qoran:

·      Kampala accord iyo doorka saxiixayaasha roadmapka.

·      Barlamaankii oo meesha ka baxay.

·      Qabyo qoraalka dastuurka oo ay ka muuqatay qodobo aan shacbiga qaarkii ku qancin, kuna noqday ugub.

·       Doodo, ogolaasho iyo naqdin isugu jira oo ka dhashay sharcinimada Road mapka, saxiixayaasha iyo cidda xaqa u leh sharciyeynta axdiga ku meel gaarka ah..

·      Beesha caalamka oo ku adkeysatay in August 2012 la helo dastuur cusub iyo hogaan la soo doorto ayagoon tixgelin waqtiga iyo in la xaliyo arimo badan oo u baahan in wadajir looga wada qeyb galo diyaarinta axdiga.

Talo Bixin

 Dulucda qoraalkan waax ka muuqdo muhimada axdiqarameedka ,waxa kale oo an xusay xaaladahihii la soo maray, waxa hada taagan iyo sida ay lagamamaarmaan u tahay in wadjir looga faaidaysto fursadan mudada yari ka harsantahay , laguna heshiiyo inta ka horeyso August 2012  xeer lagu mideysanyahay iyo doorashadii hayadaha qaranka .

 waxaan ku talinayaa:

1)    In dastuurkii 1960 loo qaato si kumeelgaar ah, loogana gudbo xiligan madaama u yahay axdiga keli ah ee taariikhda dadka Soomaaliyeed afti qaran lagu ansixiyey laguna dhaqmay isla markaana ahaa axdi tixraac (reference) u ahaa dhammaan shuruucdii dalka (ciqaab iyo madani) wixii gobanimada ka dambeeyey.

2)    In muwaadiniinta loo siiyo fursad ay u madaxbanaanyihiin oo ay ku soo xushaan dadkii meteli lahay ayadoo loo marayo duubabka dhaqanka asalka ah.

3)     In la iska ilaaliyo in aan fursadaan lagu lumin damac iyo dano gaar ah oo lagu dabaqo danta guud lagana fogaado in xagjir loo noqon qabiil, gobol , mabda siyaasadeed iyo damac shaqsiyadeed. Danahaas waxa haboon in laga dhex raadsado sharci Ummada Soomaaliyed heshiis ku tahay.

4)    In la diyaariyo gole madaxbanaan oo ka kooban sharci -yaqaano, culumo aqoon dheer u leh diinta islaamka iyo guurti dhaqameed soo diyaariyo axdi-qarameed. Dadkaasi waa in ay noqdaan dad aragtitoodu ka fog tahay wacyiga maantay Soomaliya yaala, hadafkooduna noqdo in ay soo diyaariyaan dastuur jiilalka danbe u aayaan, shacbiguna u arko dhaxal ay isku haleyn karaan oo ay ku abtirsadaan danahoodana ku gaaraan; qabiilka, eexda iyo cadaalad -daradana uga xoroobaan.

5)    Axdi-qarameedkaasina waa in la waafajiyo sharciga lana hor geeyo  xukuumada iyo wakiilada shacabka (barlamaanka) dhalan doono August 2012, dabadeedna lagu gunaanado afti dadweyne oo loo hogaansamo natiijada ka soo baxdo.
Elmi Farah Nur (Webi)
[email protected]


 





Click here