4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Falaqaynta Xiriirka Iskaashiga Dhaqan-Dhaqaale, Farsmo iyo Horumarineed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jarmalka.

Dahir Salad hassan
Monday, October 9, 2017

Soomaaliya markay ka hanatay xooriyadeeda mustacmarkii Ingriiska ee goboloda Waqooyiga 26 Juun 1960 iyo Talyaaniga  1 July 1960 iyo midowgii labada qeybood, halkaasna ay ku dhismatay Jamhuriyaddii Soomaaliya, 5 maalmood kadib Dawladda Jarmalku waxay ka mid noqotay dawladahii reer Yurub ee ugu horeeyay ee aqoonsaday xorriyadda curdunkaa ee Soomaaliya si buuxdana ugu dhawaaqay taageero hiil iyo hooba leh. Dawladda Jarmalku waxay noqotay Dawaladaha sida gaarkaa ah isga xil saray lana yeeshay Soomaaliya xiriir iskaashi dhaqaale, farsamo iyo mid horumariineed ee wadanka Soomaaliya. Waxyaabaha lagu xasuusto Iskaashigaas waxaa ka mid ahaa:

1.     Dhismihii ciidanka Booliska Soomaliyeed

2.     Taageeradii dhinaca Isgaarsiinta ee ay gacan sii jireen Raadiyaha Qarank, Raadiyo Muqdisho

3.     Diyaaraddii Soomali Airlines

Khubaro badan oo Jarmal ah ayaa la shaqayn jiray Wasaaradhan hoos ku qoran.

1.     W. Beeraha

2.     W. Xoolaha iyo Dhirta iyo Daaqa

3.     Wakaaladdii Biyaha

4.     Wasaardda Qorshaynta

5.     W. Kaluumaysiga

6.     Jaamicadda Qarnka ( Kuliyadda Goologiyada)

Mashruucii Biyaha Ceelasha Afgooye oo biyo nadiifa ka haqab tiray caasimida Muqdisho iyo bulaacadaha magaala madaxda Muqdusho oo ay qaab dhismeed casri ah u hirgaliyeen.

Burburkii dawladdii Soomaaliya ka dib Jarmalk waxay si buuxda taageero hiil iyo hooba leh ku saleeyeen dhinaca bani’aadamnimada, dhaqaale xoog lehna waxay Soomaaliya u soo marinayayn hay’adaha caalamigaa  sida UN ka iyo kuwa aan dawliga ahayn NGO’s. Waxaa kale oo xusid mudan taageerada Jarmalku ka gaysteen waqtiyada abaarihii soo noqnoqonayay sida tii dhawaan Soomaliya ku dhuftay.

Waqtigii Dawladda Soomaaliya ka baxday ku meel gaarka, dawaladda Jarmalku waxay bilowday inay waxa lagu magacaabo (Transitional Aid) oo macneheedu yahay Gargaar ku meel gaar ah oo ah mid la isku xirayo gargaarka baniaadamnimo iyo kan horumarineed kaasoo la soo marinayao hay’adaha kala ah (WFP, UNICEF, GIZ, iyo NGO-yada caalamigaa).

Qaybta 3 aad waa Xiriirka Iskaashiga laba geesoodka ah dhex mara labada dawladood ee soomaaliya iyo Jarmalka.

Doorashadii madaxweyna Farmaajo ee Febaraayo 8, 201, waxay si dhaba u dhiiri galisay dawaladda Jarmalaka, waxaana booqosha dalak Soomaaliya ku yimid Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka, ahna ku xigeenkii Chancelar Angela Merkal. Waa markii ugu horreysay ee wasiir arrima dibadeed oo jarmal ah ku yimaado Soomaaliya, isgoo u kuur galayay xaaladda dhabtaa ee Soomaaliya marayso, waxaana dalaka ku soo dhaweeyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Khyare iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamigaa mudane  Yusuf Graad.

Bishii Agoosto 29 keedii Magalaada Muqdusho waxaa ka dhacay wadahadal laba geesood ah oo u dhaxeeyay Dawladda Soomaaliya oo ay garwadeen ka ahaayeen Wasaardda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamigaa iyo Wasaardda Qorshaynta, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalha. Shirkaas qodobadii la isku afgartay waxaa ka mid ahaa in shirkaan mid la mida laguna kala saxiixanyo heshiis Iskaashi uu ka dhaco magaalada Berlin. Hadaba heshiiskan labada dhinac kala saxiideen bishan Oktoobar 4teedii waxaa dhinaca Soomaaliya qalinka ugu duugay wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaalaha mudane Gamaal Xassan, heshiiskaasnina wuxuu noqday mid taariikhi ah waana kii ugu horeeyay 27 sano kadib ay labada dal kala saxiixdaan.

Waxaa si gaara in la xuso mudan in heshiiskan lagu beegay, kuna beegmay waqti siyaasadda Dalawladda Jarmalku meel xasaasi ah marayso, isbadel baaxad lihina muuqdo ka dib doorahsadii dhawaan dalkaas ka dhacaday.

Si kooban hadaan u taabto, labadii xisbi ee CDU/CSU (conservative) oo dhismaha dawladda Jarmalak ee horey u jirtay ku dhisay dawalad-wadaag ah kulana heshiiyeen xisbiga SPD (liberal) oo uu u mtalayay Sigma Gabriel oo wasiirkii arrimaha dibadda ee dawladda waqtigee dhamaaday , doorashadii kadib, xisbiga SPD wuxuu diiday inuu markale dawalad-wadaaga lagalo labada xisbi ee aan kor xusnay ee Conservative ka ahaa. Waxay khasab ka dhigtay in labada xisbi ee Greens-ka iyo FDP wada hadal lala galo waxaana hubaala in uu wadahadal adag oo isbdell doona uu dhici doono taasi waxay soo afjaraysaa siyaasaddii garabka midig u janjeertay ee ilaa doorashadii dawlad-wadaagii jarmalku ku shaqaynaysay. Hadaba waxaa la filayaa in isbadal aad u balaaran oo saameeyn weyn ku leh aduunka uu ka hanaqaad siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo tan Iskaashi ee Jarmalku uu la leeyahay aduunayada gaar ahaan Afrika ( soomaliya).


Dahir Salad hassan
[email protected]


 





Click here